Natiijo: Chelsea 0-1 Manchester City, G. Jesus oo city iyo Guardiola u horseeday guul muhiim ah

inkastoo loo badinayay kulankan in Chelsea badineyso hadana ciyaarta ayaa dhinac kale isku rogtay markii Xidiga Reer Brazil ee G. Jesus uu ka caawiyay kooxdiisa guul muhiim ah.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar Xiiso leh taasi oo keentay in qeybta hore lagu kala nasto goolal la’an.

Qeybta danbe Daqiiqadii 53aad ayuu G. Jesus gool u dhaliyay kooxdiisa City isagoo caawin ka helay xidiga J. Cancelo taaso oo soo afjartay rajadii Macalinka Chelsea.

Saddex kamid ah Xidigaha chelsea ayaa kulankan ku qaatay kaarka hurudka ah halka City la siiyay labo hurud ah.

Tuchel ayaa wax ka badaley shaxdiisa caadiga ahayd 3-4-3 isagoo ka dhigay 3-5-2 si ay u wada ciyaaraan Timo Werner iyo Lukaku markii ugu horreysay halka Chelsea ay ku dhibtooneysay inay guul gaarto.

Natiijada  ayaa ka dhigan in Chelsea ay u dhacdo booska 3aad halka Man City ay soo gashay booska Labaad ee Horyaalka.

Shaxda lagu soo bilaabay ciyaarta

Chelsea XI: Azpilicueta, Lukaku, Alonso, Kovacic, Jorginho, Rudiger, Christensen, E. Mendy, Kante, Werner, Reece James

Subs: Thiago Silva, Saul , Kepa, Ziyech, Loftus-Cheek, T. Chalobah, Chilwell, Havertz, Hudson-Odoi

Man City XI: Walker, De Bruyne, Cancelo, Laporte, Ederson, Grealish, Ruben Dias, Bernardo, Jesus, Rodri, Foden

Subs: Fernandinho, Mahrez, Sterling, Ake, Stones, Z. Steffen, Ferran Torres, C. Palmer, R. Lavia

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com