Nana Patekar, Naseeruddin Shah (Jalwa) Iyo Xidigaha Bollywoodka Qabiilada La Midab Takooro Kasoo Jeedaan Hadana Bollywoodka Caan Ka Noqdeen !!

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Bollywoodka waxaa kujiraan ama soo mareen atoorayaal la takoori jiray midabkooda iyo hab abuurkooda aawged kuwaaso la buun buunin jirin balse hubaal ahaan ka xirfad fiican qaab jiliin ahaan atoorayaasha la buun buuniyo.

Waxaa lagu nacay marka hore soo jiidasho malahan mida labaadna adduunka qabyaalad waa ka jirtaa dadka Soomaalida kaliya qabyaalad ma yaqaaniin laakiin qabyaalada dunnida iyo mida dadka Soomaalida dhankeeda halmid ayee kukala duwan tahay.

Soomaalida dhankooda qofka qabiilka uu ka dhashtay ayaa fiiriya ee quruxdiisa lama fiiriyo hadduu qabiil caan ah ka dhashtay waxaa la leeyahay waa laandheere banaankiisa kudhacay haddii qabiilada la yaso ka dhashtaana waxaa la leeyahay waa boon ama mid aan nasab aheen.

Balse caalamka waxaa la isku takooraa midabka qofkii foolxun oo aan soojidasho leheen waa la midab takooraa dadkana waa laga dib marina gadaasha damba looga tagaa sidaa aawged caalamka dadka la midab takooro african ayaa u horeyaan.

Hindida dhexdooda waxay midab takooraan oo ay yasaan dadka hindida madow ah iyo kuwa wajiga soo jiidasho aan laheyn, waxaana maqaalkan ku xuseynaa 3 atoore oo sidaas loo galay.

Naseeruddin Shah,Nana Patekar iyo Nawaasudddin Siddiqui waa seddex atoore qaab jiliin kii ugu sareeyay leh balse waxaa lagu nacay qaabkii Alle u abuuray sida midabkooda iyo ineysan aheen kuwa soo jiidasho leh.

Naseeruddin Shah (Jalwa) iyo Nawazuddin hal tuulo oo Uttar ladhaho ayee kasoo jeedaan qoys muslim ah ayeena ka dhashteen abaal marino kala duwan ayee seddexdaan atoore waayahooda fanka wada qaateen xirfadooda oo heer sare ah aawged.

Ogow been weyn ayaa la sheegay hadii ladhaho Aamir Khan ayaa ka qaab jiliij wanaagsan Naseeruddin Shah ama Nana Patekar waxaa kaloo been ah sida SRK, Akshay Kumar, Salman, Big B iyo kuwa kale balse wey ka magac weyn yihiin oo wey ka guulo badan yihiin ee qaab jiliin laguma dhaafi karo Xidigahan la midab takooray oo waa kuwa xirfad dahabi ah leh.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII