NADIIFIN: Real Madrid Oo Kooxdeeda Ka Diraysa 17 Xiddig Oo Iib Iyo Amaah Loo Diyaariyey

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay isbeddel ku samayso safkeeda, isla markaana ay xili ciyaareedka dambe kula soo laabato wajiyo cusub iyo laacibiin sii difaacan kara horyaalka LaLiga ee ay sannadkan ku guuleysteen.

Real Madrid oo ka cabanaysa dhaqaale xumo uu soo gaadhsiiyey fayraska Korona oo albaabada u laabay dukaamadii iyo garoonka ay lacagtu kasoo geli lahayd si la mid ah kooxaha kale, ayaa waxa u raacday garoonka Santiago Bernabeu oo uu ka socdo dhisme dib loogu cusboonaysiinayo, kaas oo sidii heshiiska dhismihiisu dhigayay ay u bixinayso lacagta.

Ciyaartooyo mushaharooyin badan ka qaata oo aan waxba ku tarin ayaa Real Madrid uu dhaqaale kaga baxaa, waxaana ka mid ah Gareth Bale iyo James Rodriguez, waxaana qorshuhu yahay in kooxda laga diro 17 ciyaartoy oo ay ku jiraan labadan xiddig.

Advertisements

Ciyaaryahannadan ayaa waxay iskugu jiraan kuwo kooxda koowaad ka tirsan oo la iibinayo ama amaah lagu dirayo, laacibiin ku maqnaa naadiyo kale oo isla kooxahoodu iibsanayaan iyo ciyaartooyo kale oo amaah ku maqnaa oo aan lasoo celin doonin.

Wargeyska Marca oo warkan qoray ayaa waxa uu tilmaamay in liiska ciyaartoydan ay ku jiraan xiddigo da’yar oo loo arkayay inay yihiin mustaqbalka kooxda.

Warbixintu waxay sheegtay qiimaha ciyaartoydan lagu iibinayo iyo xilliga uu ku egyahay heshiiska ay Real Madrid kula jirto, waxaanay kala yihiin:

James Rodriguez

Iibin: 32 Milyan oo Euro

Gareth Bale

Iibin: 32 milyan oo Euro.

Luka Jovic

Iibin: 32 milyan oo Euro

Dani Ceballos

Iibin: 32 milyan oo Euro

Martin Odegaard

Amaah ayaa kusii maqnaan doonaa: 45 milyan oo Euro ayaa qiimihiisu taagan yahay

Sergio Reguilon

Amaah ayuu kusii maqnaan doonaa: 20 milyan oo Euro ayuu qiimihiisu taagan yahay

Alvaro Odriozola

Iib ama amaah: 16 milyan oo Euro.

Lucas Vazquez

Iibin: 16 milyan oo Euro

Luka Modric

Iibin: 16 milyan oo Euro

Nacho Fernandez

Iibin: 12 milyan oo Euro

Mariano Diaz

Iibin: 13 milyan oo Euro

Takefusa Kubo

Amaah: 13.5 milyan Euro ayuu qiimihiisu taagan yahay

Oscar Rodriguez

Iibin: 11 milyan oo Euro

Jesus Vallejo

Iibin: 6 milyan oo Euro

Borja Mayoral

Iibin: 3.2 milyan Euro

Alberto Soro

Iibin: 2.7 milyan oo Euro

Jorge de Frutos

Iibin: 2 milyan oo Euro

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII