Naby Keita oo diiday qandaraaska cusub ee Kooxda Liverpool

Naby Keita ayaa sheegay inuusan heshiis cusub u saxiixi doonin Liverpool sida lagu sheegay warbixin.

Reds waxay ku guda jirtaa sidii ay ciyaartoydeeda waaweyn ugu heli lahayd qandaraasyo waqti dheer ah, iyadoo Virgil van Dijk , Jordan Henderson iyo Allison Becker ay dhammaantood saxiixeen heshiisyo cusub bilihii la soo dhaafay.

Qandaraaska Keita ayaa dhacaya 2023 waana mid ka mid ah magacyada xiga ee ku jira liiska kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Bild ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka khadka dhexe uusan haatan dooneyn inuu sii joogo Anfield.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Keita uu doonayo in la siiyo door muuqda oo kooxda ah mana dhegaysan doono dalab kasta oo qandaraas kordhin ah ilaa ay arrintu sidan tahay.

26 jirkaan ayaa ku soo bilowday kaliya labo ka mid ah shantii kulan ee ugu horeysay Premier League ee Liverpool xilli ciyaareedkan waxaana laga saaray kulankii Chelsea ee bishii hore.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com