MW Farmaajo oo raali gelin ka siiyay dhibaatadii loo geystay gobolada Waqooyi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ee hadda loo yaqaan Somaliland, raali gelin ka siiyey duqayntii iyo xasuuqii ay dowladdii kacaanka u gaysatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay garowsho, islamarkaana la iska ilaawo wixii xumaa ee dhacay, ayada oo la xirayo bogga madow, lana furo mid cusub.

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeedinayay, shir ku saabsan Garsoorka oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xasuuqaasi uu ahaa taariikh madow oo u baahan in laga garaabo, islamarkaana ku koobnaa nidaam dowliya oo markaasi ka talinayay Soomaaliya.

Mudane Farmaajo, ayaa meesha ka saaray in xasuuqii loo gaystay gobollada Waqooyi Galbeed ee dalka, uu la xiriiray dagaal u dhexeeyay Koonfur iyo Waqooyi ama xataa dagaal ku salaysan qabiil iyo isir.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here