MW Farmaajo oo 65 xisbi u sameestay siduu kula dagaalo Madasha Xisbiyada Qaran

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Farmaajo ayaa sameestay ku dhawaad 70 xisbi isla markaasna wuxuu Madax ugu dhigay Siyaasiin nolosha ku fashilmay oo aan hami fog laheen .

Muqdisho Online oo raadisay hishiiska hoose ee ka dhaxeeyo Siyaasinta afhayeenada u ah Madaxweyne Farmaajo oo marwalba u jawaaba madasha xisbiyada qaran ayaa ogaatay in Madaxweynaha  ubalan qaaday siyaasiintaas in uu ka dhigi doono xildhibaano 2020 hadii ay si daacad hada ula shaqeyaan.

Siyaasiinta balan qaadkaas heesto waxaa kamid ah , Salaad Ali Jeele , Abdullahi Shiekh Hassan , Ali Mohamed Geedi, & Fowsiyo Shiekh adan IWM.

Farmaajo ayaa xisbiyadaas ku talagalay in uu u adeegsado kaliya inuu kula dagaalo Madasha Xisbiyada Qaran , oo ku mideeysan xisbiyada ugu saameenta badan dalka waxaana hogaamiyo Xisbiyadaas Madaxweynihi hore Shariif Shiekh Ahmed , Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamud, Raisal Wasaare Abdiwali ali Gaas, Gudoomiyihi barlaamanka 7 aad shariif Hassan Shiekh Aadan IWM.

Madaxweyne Farmaajo maku kalsoono inuu doorashada 2021 uu kaga adkaan karo hogaamiyaashaas saameenta siyaasadeed ku leh dalka maadama uu Madaxweyne Farmaajo  ku fashilmay hogaaminta dalka mudadii uu xilka hayay .

 

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post MW Farmaajo oo 65 xisbi u sameestay siduu kula dagaalo Madasha Xisbiyada Qaran appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII