Muxuu Xiddigaan Liverpool Kaligiis Garoonka Anfield La Dhex Istaagay Xilli Asxaabtiisa Ay Qolka Labiska Ku Dabaaldegayeen?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Divock Origi ayaa abuuray xan ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda Liverpool ka dib markii uu kaligiis dhex istaagay garoonka Anfield xilli asxaabtiisa kale ee kooxda ay ku dhex dabaaldegayeen qolka labiska xalay oo Arbaco aheyd.

Weeraryahanka Reds oo kursiga keydka ka soo kacay kulankii Chelsea ayaa ka tagay qolka labiska oo ay dabaaldegyo ka socdeen isagoo ku laabtay garoonka dhexdiisa, waxa uu dhowr daqiiqadood eegayay taribuunka ay fariistaan taageerayaasha ugu xamaasada badan Liverpool ka dib markii ay Reds garoonka ku ciyaartay kulankoodii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedka.

Muuqaal ayaa laga duubay xiddiga reer Belgium oo dib ugu soo laabanaya qolka labiska isagoo ku biiray dabaaldegaya ay wadeen ciyaartoyda.

Advertisements

Haddii Origi uu kaliya doonayay inuu dib u eegis ku sameeyo guulihii uu garoonka ku gaaray 13kii bilood ee ugu danbeysay iyo haddii ay sabab u tahay inuusan mar kale fursad u heli doonin inuu eego garoonka ayaan weli la kala ogeyn.

25 jirkaan ayaa kaliya ku soo bilowday lix kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan isagoo bedel ku soo galay 21 kulan kale, wuxuu dhaliyay seddex gool halka uu caawiye ka noqday gool kale.

Liverpool star dropped Anfield exit hint during Premier League trophy lift celebrations

Liverpool star dropped Anfield exit hint during Premier League trophy lift celebrations

Liverpool star dropped Anfield exit hint during Premier League trophy lift celebrations

Liverpool star dropped Anfield exit hint during Premier League trophy lift celebrations

Wuxuu kaliya ku soo bilowday 12 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan ka dib markii uu todoba kulan ku soo bilowday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay oo uu geesi ka ahaa guushii soo laabashada ay ka gaareen Barcelona semi-finalkii Champions League isagoo sidoo kale shbaaqa soo taabtay finalkii ay ka badiyeen Tottenham.

Xiddiga reer Belgium oo Liverpool kaga soo biiray Lille sannadkii 2014 ayaa heshiis waqti dheer ah saxiixay xagaagii la soo dhaafay ka dib wacdarihii uu ka dhigay Champions League.

Laakiin waxaa jiri karta suurtogalnimo ah inuu doonayo inuu si joogta ah u ciyaaro.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII