Muxuu Paul Scholes Ka Yidhi Labadii Qalad Ee David De Gea & Canaanta Loo Jeedinayo?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Halyeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa difaacay goolhaye David de Gea oo dhaleecayn badan ku mutaystay laba qalad oo goolal noqday oo uu sameeyey kulankii Chelsea, kuwaas oo keenay in tababare Ole Gunnar loosoo jeediyo inuu kooxdiisa ka tuuro goolhayaha reer Spain oo uu dib usoo ceshado Dean Henderson oo Sheffield United amaah ugu maqan.

De Gea oo sannadkii hore qalinka ku duugay heshiis cusub oo shan sannadood ah oo Old Trafford waqtiga ugu kordhiyey, waxa 18kii bilood ee ugu dambeeyey uu muujinayay qaab ka hooseeya ciyaartii looga bartay sannadihii u dhexeeyey 2013 ilaa 2018, muddadaas oo afar sannadood oo ka mid ah uu ku guuleystay ciyaartoyga sannadka ee Manchester United.

United waxay haysataa Dean Henderson oo uu gaadhay waqtigii ay kasoo ceshan lahayd amaahda uu ugu maqan yahay Sheffield United, laakiin Paul Scholes ayaa rumaysan inay tahay in waxqabadka wanaagsan ee De Gea la eego halka kaliya laga fiirinayo qaladaadkiisa, waxaanu yidhi: “Haa, waqti xun ayuu qaadanaya, laakiin isaga la’aantii Manchester United waxay ku dhamaysan lahayd kaalinta 10aad lixdii sannadooe ee u dambeeyey… isaguna wuu soo laaban doonaa!”

Advertisements

Hadalkan ayaa waxa uu difaac weyn u yahay De Gea oo canaan badan loo jeedinayay, laakiin sidoo kale waxa garab siiyey Ole Gunnar Solskjaer oo iskugu daray taageero iyo digniin, una sheegay in laga doonayo in boqolkiiba boqol uu badbaadiyo kubbadaha goolkiisa yimaadda.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII