Muxuu Instagram Ku Sameeyay Pierre-Emerick Aubameyang Oo Farxad Geliyay Taageerayaasha Arsenal? (Daawo Muuqaal)

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Arsenal ayaa u muuqata mid horumar ku hoos sameyneysa tababare Mikel Arteta.

Ka dib markii ay si xun ku bilowdeen dib u bilaabashada xilli ciyaareedka Premier League iyadoo ay guuldarro ka soo gaartay Man City iyo Brighton, Gunners ayaa haatan badisay afartii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan.

Guushii 2-0 ee ay ka gaareen kooxda Wolves ayaa aheyd guushoodii ugu fiicneyd ee intii uu Arteta tababare u ahaa.

Arsenal ayaa si fiican kubada u difaacatay halka ay weerarka halis joogta ah ahaayeen iyadoo Bukayo Saka oo qandaraas cusub saxiixay uu dhaliyay gool cajiib ah.

Saka iyo xiddiga kale ee da’da yar Gabriel Martinelli ayaa qandaraasyo cusub u saxiixay kooxda iyadoo taageerayaasha ay ku duceysanayaan in Pierre-Emerick Aubameyang uu raaci doono wadadooda.

31 jirkaan reer Gabon ayaa dhowr jeer cadeeyay inuu ku faraxsan yahay London, iyadoo wararka ay sheegayaan inuu dalabkiisa qandaraas u gudbiyay madaxda Arsenal.

Aubameyang ayaa si maldahan u sheegay inuu diyaar u yahay inuu saxiixo qandaraas cusub isagoo toos ugu jiray Instagram Live.

Taageere ayaa u qoray: “Isha jabi haddii aad heshiiska saxiixeyso” iyadoo Aubameyang uu bilaabay inuu isha jabiyo isagoo xitaa ka badbadiyay.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka sheekada dhex martay Aubameyang iyo taageeraha:

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII