Muuse Biixi oo shaaciyey in aysan aqbali doonin ciidamada shisheeye ee lagu daabulayo Badda Cas

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Hargeysa (warkii.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeedinayey ciidamo loo soo xiray tababar ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Badda Cas, gaar ahaan ciidamada shisheeye ee lagu soo daabulayo biyahaasi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in aysan aqbali karin in ciidamado ajnabi ah lagu soo daa-gureeyo biyaha Badda Cas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin cid ka iyaga ka mudan, islamarkaana uga xog ogaalsan ilaalinya biyahaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Shisheeye ee lagu gurayo Badda Cas innaga ayaa ka mudan sugidda Amniga oo uga xog ogaalsan, qof kasta oo nala shaqeysanaya diyaar ayaan u nahay, mana ogolaaneyno wax aan dan inoo ahayn, mana ku baqaneyso cidbaa xoog weyn iyo Taanki ayuu wataa”. ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in Somaliland ay leedahay ciidamo tababar fiican heysta iyo qalab, islamarkaana ku filaan inay ilaaliyaan isticmaalka biyaha caalamiga ah.

“Somaliland waxa ay leedahay Ciidamo tababar qaba, heysta agab ay ku howlgalaan si ay u ilaaliyaan nabadgalyada isticmaalka Biyaha Caalamiga ah iyo in uusan go’in isu socodka Maraakiibta iyo Doomaha” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba ha’ahaatee hadalka Biixi ayaa ku soo aadaya, iyada oo Turkiga loo caleema saaray inuu la wareego hoggaaminta howlgalka ka dhanka ah Burcadbadeeda Soomaaliya iyo ilaalinta nabadgalyada Maraakiibta iyo Doomaha caalamiga ah.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII