Muse Bixi oo ka digay in ciidamo gaar ah loo sameeyo Badda Cas

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo qilaaf siaasadeed soo kala dhex galay dowlada Itoobiya iyo Dowlada Soomaaliland ee la xiriira arimaha Soomaaliya iyo Somalilnad ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo uu tababar u soo xirayey waxa uu soo hadal qaaday wararka ah in badda Cas loo sameeyey ciidamo difaac, kuwaas oo shir looga tashanayey sameyntooda maalmo ka hor lasoo gaba-gabeeyey.

Madaxweeyne Biixi  oo ay ka muuqato caadif iyo dareen ku wajahan in Somaliland la galiyo xaalad amni oo khatar ah ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay difaacaneyso badda iyo bariga dhulkeeda, isla markaana aysan qeyb ka ahayn wadamadii ka shiray in ciidamo difaac loo sameeyo badda Cas, ayna yihiin dal u madax banaan amuurahooda.

Dhanka kale  Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan dal kasta oo is kaashi iyo wax wada qabsi la sameysanaya Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkaan Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland dhowaan ay heshiis diplomaasiyadeed la geshay Taiwan oo aan weli madax-banaani ka qaadan Shiinaha, waxaana xiriirka dhex maray labadaas is-maamul ee aqoonsi raadiska ah si adag uga soo hor jeestay dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Muse Bixi oo ka digay in ciidamo gaar ah loo sameeyo Badda Cas appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII