Murugo: Manchester United 0-1 Aston Villa: Red Devils oo la dubtay, Bruno Fernandes oo Sabab u ahaa

Manchester United ayaa xaalka ku sii xumaaday kadib markii ay guul daro kala kulantay kooxda Aston villa kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo ku soo dhamaaday 0-1.

Xidiga Bruno Fernandes ayaa guul ka qasaariyay dhamaadka ciyaarta taasi oo keentay in xaalka uu ku sii xumaado kooxda United oo sanadkan loo badinayay in ay wacdaro dhigeyso.

Gool uu Kortney Hause daqiiqaddii 88aad madax ku dhaliyey ayaa  ugu filnaaday Aston Villa inay hesho saddexda dhibcood oo ay aad ugu baahnayd si ay sare ugu soo kacdo, laakiin Manchester United oo rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 90aad ayaa waxa ka khasaariyey xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes.

Bruno Fernandes ayaa rikoodh cajiib ah loo diiwaangelin lahaa haddii uu dhalin lahaa rikoodhahan, isaga oo noqon lahaa ciyaartoygii labaad ee Premier League ah ee afar ciyaarood oo isku xiga afar rikoodhe ka dhaliya koox kaliya.

Manchester United ayaa hadda u dhacday kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay ka hoosaysaa Chelsea oo ay isku dhibco yihiin, halka Man City ka badisay Chelsea ay soo gashay kaalinta labaad.

Shaxda ay ku soo bilowdeen labada Koox

MANCHESTER UNITED XI (4-2-3-1): David De Gea; Luke Shaw, Harry Maguire, Raphael Varane, Aaron Wan-Bissaka; Fred, Scott McTominay; Paul Pogba, Bruno Fernandes, Mason Greenwood; Cristiano Ronaldo.

Kaydka: Victor Lindelof, Nemanja Matic, Jesse Lingard, Edinson Cavani, Donny Van De Beek, Tom Heaton, Anthony Martian, Jadon Sancho, Diogo Dalot.

ASTON VILLA XI (5-3-2): Emiliano Martinez; Matthew Cash, Ezri Konsa, Kortney Hause, Tyrone Mings, Matt Targett; Jacob Ramsey, Douglas Luiz, John McGinn; Danny Ings, Ollie Watkins.

Kaydka: Ashley Young, Jed Steer, Ryan Bertrand, Marvelous Nakamba, Cameron Archer, Anwar El Ghazi, Emiliano Buendia, Lamare Bogarde, Carney Chukwuemeka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com