Mursal oo wada qorshe uu ku fashilanayo rabitaanka doorasho ee M/goboleedyada

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Federaalka ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka maanta ee Golaha shacabka ayaa waxaa uu yahay dhamaystirka iyo u codeynta wax Ka badalka Sharciga xisbiyadda siyaasadda, iyadoo horey Sharcigaas loo marsiiyay akhrinta koowaad iyo labaad.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in uu jiro kulan, isla markaana Munadayaasha laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulankaas, si loo dardar-gerliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka horyaalla.

Golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo hortebin u leh dalka,waxaana la filayaa in ay meel mariyaan muddada u harsan baarlamaanka 10-aad oo waqtigiisu gabaabsi yahay.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII