Murashaxiintii Isbadel Doonka Oo Qaarkood Is Casileen & Dhabar Jebinta Dhacday

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warkii Online usheegay in Qaar ka mid ah Murashaxiintii isbadel doonka Jubbaland ku biireen garabka Axmed Madoobe.

Wararka waxay sheegayaan inaga soo gaaraya Kismaayo inuu Is casilay Murashax Ugaas Xuseen Qorane Oo Beesha Cawl-yahan kasoo jeeda,kaas oo Isbadel doonka ku jiray.

Ilaa hadda lama sheegin sababta keentay inuu is casilo waxaana lasoo tebiyey in ay jiraan Murashaxiin kale oo C/rashiid Xiddig iyo Seeraar la safnaa ay iyaguna is casili doonaan Saacadaha soo socda.

Qorshahaan ayaa la sheegay inay ka shaqeysay Madaxtooyada Kismaayo,waxaana dhaqaale ku bixiyey Axmed Madoobe,iyadoo Labo Cisho kadib Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Jubbaland loo diyaar garoobayo.

Tani waxay tahay mid ubaahan in laga dhursugo sida ay wax udhacaan,xilli Dawlada Federaalka iyo Beesha Caalamka diidan yihiin sida wax loo maareeyey Hanaanka Doorashada Jubbaland.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here