Mukhtaar Quuraansi wa shaqsi nooce ah?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 2 minutes

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
214 days
21 hours
41 minutes
50 seconds

Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa umagacaawday Muqtaar Quursaan , Agaasimaha Guud ee Aqoonsiga Qaranka (National ID).

Muqtaar Quuraansi inta aanloo magacaabin  Xilkaas culus wuxuu so noqday Agaasimaha Guud Ee Maamulka & Qorsheyta NISA, intuu xilkaas haayay wuxuu ku sifoobay Musuq Maasuq , Wax isdabamarin & Qabyaalad .

Hanti Dhowr ka guud ee Qaranka 2019 warbixinta uu soo saaray ayuu ku cadeeyay in NISA laga Musuq Maasuqay 1.3 Milyan Oo Doolar.

Muqtaar Quuraansii intii uu Hanti Dhowrka  waday Baarista  wuxuu si dhuumasho  uga baxsaday Muqdisho asagoo u baxsaday Dalka Ingiriiska oo uu heysto Dhalashadiisa.

Baaristii uu ku sameeyay Hanti Dhowrka Qaranka xafiiska Quuraansi  waxaa xiriirkooda ku gaabtay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin  & Sh Mohamed Idir oo xiriir hoose lahaa khilaafka kahor.

Shiekh Idiris wuxuu bilaabay inuu daacayadeeyo Dowlada Farmaajo asagoo soo bandhigaayo xaqiiqoyinkii & gabood faladii mahadhada ahaa ay ka galeen dalka , Balse shiekh kal hore wuxuu dafiri jiray gobood faladaas asagoo sax & qaladba taageero umuujin jiray Nabad & Nolol.

Wadahadal dhaxmaray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin & Sheikh Mohamed Idir ayaa saamaxday in Muqtaar Quuraansi si sharafkiisa lasoo celiyo loona beeniyo Warbixintii Hanti Dhowrka Qaranka 2019  uu kacadeeyay in laMusuq Maasuqa Maaliyada  NISA .

Shiekh Mohamed Idiris ayaa markiiba soo bandhigay in loomagacaabo Muqtaar Quraansi Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Gaashandhiga XFS , Balse waxaa kadhashay dood dhaheyso, Quuraansi wax isdabamarintiisa waxaa dheer waa qabyaaladiiste Ciidanka Xoogana hadii loo dhiibo suuragal in uu burbur soo gaaro dhismaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa sidaasi ku baaqday isku daygii larabay in Muqtaar Quuraansi loomagacabo Agaasimaha Guud ee wasaarada gaashandhiga XFS.

Fahad Yaasiin ayaa usoo jeedayay Shiekh Idiris in Muqtaar loomagacabayo Hey’ada Aqoonsiga Qaranka , maadama ninkaan taariikhdisu madowdahay .

Sheikh Idir & Quuraansi way aqbaleen  soo jeedinta fahad Yaasiin Agaasimaha NISA , sidaasi waxaa bishii May  Nairobi ku yimaaday Muqtaar Quraansi , xiligiigas Soomaaliya laxiray Garoonka Diyaaradaha sababo laxiriiro Caabuqa Corona Virus.

Diyaarad Qaas oo u kireeysay Agaasime fahad Yaasiin ayaa lo diray Niarobi si ay usoo qaado  Muqtaar quraansi sidaasi ayuu kuyimid  magaalada Muqdisho, Durbadiiba xogtiisa waxaa heysay  Muqdisho Online oo ku daabacday warbixinteeda Maalin laha .

isjiid jiid dheer kadib waxaa lamagacaabay Muqtaar Quuraansi in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Aqoonsiga Qaranka ,.

Shacabka Soomaaliya maxeey kabaran karaan Magacaabista Shaqsi taariikgdiisu qeyb ka tahay wax isdabamarin & qabyaalad?

Madaxweyne Farmaajo oo ka fikiraayo sidu kusoo noqon lahaa ama uu uqaban laha doorasho kushubayo ah ayuu doortay Muqtaar Quuraansi oo ah  qof ku xeel dheer wax isdabamarinta sido kale neceb qowmiyada Hawiye ?

Muqtaar inta uu joogay NISA waxaa Hey’ada Iska Casilay Saraakiil Sare Sare & Saraakiil Dhexe kadib markii uu ku amray ineey jabiyaan dhismayaasha Shubka ee duqoowabay si dib u dhis logu sameeyo.

Saraakhaas oo markii hore si qabiil looso xulay si loogu bahdilo ama lootuso in la adoonsanayo ayaa iska diiday ineey darbiga dumiyaan ayagoo usheegay ineey yihiin saraakiil shaqadaasna aysan eheen mid ay xirfad lu yihiin.

Muqtaar Quuraansi wuxuu albaabka hore NISA Dhigay warqad ayku qoran yihin Saraakiisha laguna amraayo in aysan soogali karin Xerada  , Maanta oo aan idin la hadlaayo wali warqadaas albaabka hore NISA waku dhagsan tahay ?

Sidaasi darteed Madaxweyne Farmaajo wuxuu fahmay in Muqtaar Quuraansi yahay shaqsi kabixi karaa shaqooyinka Musuq Maasuq & Qabyaalad ku dhisan markii lasameeynayo Aqoonsiga Qaranka .

Haddaba Xisbiyada Mucaaradka & Dowlad Goboleedyada maku kalsoonaan doonan Masuul qiyam Soomaalinimo ama wadaniyad laheen ineey ku aaminan xogaha shaqsiga muwaadiniinta soomaaliyeed ?

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Mukhtaar Quuraansi wa shaqsi nooce ah? appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII