Mohamed Salah oo soo bandhigay Mushaharka uu ka doonayo Liverpool kaasi oo ka dhigaya Xidiga ugu Mushaharka badan

Photo@Reuters

Mohamed Salah ayaa dalbaday 500,000 oo Ginni isbuucii si uu u noqdo xiddigii ugu dambeeyay ee Liverpool oo mustaqbalkiisa fog u hibeeya kooxda, sida ay qortay Daily Mirror.

arintan ayaa timid kadib markii tababaraha Reds Jurgen Klopp uu xaqiijiyay in kooxdu ay wadahadalo ku jirto si loo kordhiyo qandaraaskiisa, oo ay ka harsan tahay wax ka yar laba sano.

29 jirkaan ayaa durbaba ka mid ah kuwa ugu mushaharka badan Anfield heshiis cusub ayaana ka dhigi doona ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda, isagoo meesha ka saaraya Vigil Van Dijk qandaraaskiisa cusub ee 220 kun ginni isbuucii.

Klopp ayaa ka walaacsan Salah inuu raaco mushaharka ay qaataan Van Dijk, Trent Alexander-Arnold iyo Jordan Henderson si uu heshiis ugu ballan qaado kooxda ka dhisan Anfield.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here