Mohamed Salah Oo Qirtay Inuu Ku Dhex Ooyay Qolka Labiska Garoonka Old Trafford & Sababta Ka Dambeysa.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Mohamed Salah ayaa qirtay in natiijadii ay ka heleen Man United fasalkii hore kulankii ay Old Trafford ugu yimaadeen ay aheyd wakhtigii ay ogaadeen iney seegeen hanashada horyaalka, taasna ay keentay iney qolka labiska ku dhex ooyaan.

Reds ayaa kaalinta labaad ka gashay horyaalka fasalkii hore, waxeyna kaliya ku waayeen hal dhibic iyadoo Manchester City ay ku adkeysatay iney difaacato horyaalka.

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa soo rogaal celiyay maadaama ay si awood leh fasalkaan u hantiyeen Premier League oo aysan kooxda ku guuleysan muddo 30-sano ah.

7-kulan iyagoo heysta ayey xaqiiqsadeen hanashada horyaalka, kooxdii ugu horreysay ee sacab ku sharaftana waxey noqotay Manchester City oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka.

Si kastaba Salah ayaa kasoo muuqday muuq-baahiyaha Sky Sports kadib kulankii ay 4-0 guuldaro ah kala kulmeen Manchester City, wuxuuna qirtay in fasalkii hore uu ku dhex ooyay qolka labiska Old Trafford.

“Waan xasuustaa sanadkii hore kulan aan booqanay Man United oo aan barbaro la galnay waxaan aadnay qolka labiska si aan u oyno, waxey aheyd wakhti aan dareennay inaan weynay horyaalka” ayuu yiri Mohamed Salah.

Kulanka Liverpool iyo Man United wuxuu dhacay February 2019 markaas oo ay ku kala baxeen barbaro gool la’aan ah.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII