Miyaa Frank Lampard Lagu Ciqaabi Doonaa Aflagaadadii Uu U Geystay Jurgen Klopp Iyo Caawiyihiisa?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Frank Lampard ayaa lagu waramayaa inuu ka badbaadi doono wax ciqaab ah ka dib aflagaadadii uu u geystay macalinka Liverpool Jurgen Klopp iyo caawiyihiisa.

Macalinka Blues ayay kaamirada qabatay isagoo “f*ck off” ku dhaahaya Klopp iyo caawiyihiisa ka dib hadalo ay isweydaarsadeen.

Dhacdadaan ayaa dhacday qeybtii hore, ilbiriqsiyo ka hor inta uusan Trent Alexander-Arnold laad xor ah oo cajiib ah dhalinin.

Advertisements

Mateo Kovacic ayaa lagu xukumay inuu qalad ku galay Sadio Mane kaasoo xawaare fiican ku socday.

Lampard ayaa ka carooday go’aanka isagoo ku qeyliyay garsooraha afaraad.

Waxay taasi keentay inay jawaab celin ka bixiyaan Jurgen Klopp iyo caawiyahiisa, taasoo isku bedeshay in Lamps uu labada ninba afalagadeeyo.

Laakiin sida ay sheegtay jariirada The Times, Chelsea wax talaabo dhanka dishibiliinka ah kama qaadi doonto Lampard.

Madaama aysan taageerayaal ku jirin garoonka, codka kaamirada ay qabatay ayaa si fiican loo maqli karaa.

42 jirkaan ayaa si xun u la hadlay caawiyaha Klopp oo lagu magacaabo Ljinders isagoo ku amray inuu fariisto.

“Ma ahan qalad. Tan kale aniga adiga kuma weydiinin ee aamus” ayuu Lampard ku yiri Ljinders, iyadoo Klopp uu soo dhexgalay una sharaxay Lampard in ninka reer Holland uu durbadiiba fariistay.

Lampard ayaa ku jawaabay: “Adiga xitaa F*ck off. Waa horyaalkii kaliya ee aad abid ku guuleysataan, waxaadna durbaba ka dhigeysaan wax weyn. F*ck off”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII