Miyaa Chelsea Laga Qaadayaa Xayiraada Suuqa Kala iibsiga Bisha Janaayo? War Cusub Oo La Helay

Chelsea ayaa ku wargelisay wakiilada waa weyn inay filayaan inay dib ugu soo laabtaan ganacsiga suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Blues ayaa labo suuq kala iibsiga xayiraad laga saaray ka dib markii lagu helay danbi ah inay ku xadgudbeen sharuucda lagula soo wareego ciyaartoyda da’dooda ka yar tahay 18 sanno.

Chelsea ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka FIFA iyagoo racfaankooda u gudbiyay maxkamada sarre ee Isboortiga CAS, waxayna rajeynayaan in xayiraadooda laga dhigo kaliya hal suuq kala iibsi oo ay durbaba soo mareen.

Waxaana ay ku doodayaan in Manchester City ay ka badbaaday in wax xayiraad ah la saaro bishii la soo dhaafay ka dib markii ay iyagana jabiyeen sharciga lagu ganaaxay Chelsea.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso: Danny Drinkwater Oo Si Xun Loo Garaacay Xilli Uu Isku Dayay Inuu La Seexdo Gabar Saaxiib La Ah Ciyaaryahan Kale

Inkastoo Chelsea aysan si rasmi ah uga hadlin qorshahooda racfaanka hadana taasi kama aysan celinin inay la xiriiraan wakiilo waa weyn oo ay kala hadlaan saxiixyada ay doonayaan bisha Janaayo.

Wakiil u waramay Sunday Mirror ayaa yiri: “Chelsea waxay si weyn u dooneysaa inay xoojiso kooxdeeda, waxay u muuqdaan kuwa kalsooni ku qabaan inay ku guuleysan doonaan racfaanka loo ogolaan doono inay ka soo adeegtaan suuqa bisha Janaayo.

“Waxay u tahay iyaga mid ka caawin karta inay ku dhameystaan afarta kaalimood ee ugu sareysa Premier League una soo baxdo Champions League.”

Tababaraha cusub Frank Lampard ayaa dalacsiiyay ciyaartoy da’ yar xilli ciyaareedkan, waxayna kooxdiisa ku jirtaa kaalinta 11aad ka dib afar kulan oo la ciyaaray.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here