Mikel Arteta Oo U Sheegay Maamulka Arsenal Walaaca Ugu Weyn Ee Uu Qabo & Sida Ay Kula Tartami Karaan Liverpool & Man City

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Mikel Arteta ayaa qirtay inuu walaac weyn ka qabo bajadkiisa suuqa kala iibsiga xagaaga isagoo fariin u diray maamulka kooxda Arsenal.

Gunners ayaa 2-1 ku garaacday kooxda hanatay horyaalka ee Liverpool xalay oo Arbaco aheyd.

Laakiin Arteta ayaa sheegay in farqiga u dhaxeeya labada kooxood inuu yahay mid aad u weyn.

Advertisements

Arteta ayaa doonaya in la siiyo lacag kaash ah oo uu Arsenal uga dhigo mid u tartanta horyaalka, laakiin waxa uu ka baqayaa in la siin waayo.

Tababarayaasha Arsenal waxaa inta badan hoos u dhiga lacag la’aan iyagoo aan suuqa kala iibsiga kula tartami karin kooxaha waa weyn.

Arsene Wenger iyo Unai Emery ayaa labaduba ku rafaaday inay la tartamaan kooxaha lacagta badan qarashgareynaya.

Markii la weydiiyay bajadkiisa xagaaga, Arteta ayaa u sheegay Sky Sports: “Walaac aad u weyn ayaan ka qabaa.

“Waad arki kartaa sida ay Liverpool ku dhistay kooxdeeda, ma aysan isticmaalin indho sarcaad, waxaad u baahan tahay inaad kooxdaada ku dhiso ciyaartooy tayo leh.

“Waxaan u baahnahay ciyaartoy badan si aan ugu tartano horyaalka. Waa taas howsha ina hortaala.

“Waa shaqo aad u weyn. Kaliya waa inaad eegto farqiga u dhaxeeya labada kooxood – waa mid aad u weyn”

“Farqigii inoo dhaxeeyay sannado badan laguma soo yareyn karo labo bilood.

“Laakiin farqiga inoo dhaxeeyay ee ku aadanaa isla xisaabtanka, tamarta iyo u heelanaanta labada kooxood waa isaga mid haatan.

“Hore sidaan ma aysan aheyn. Waana ku faanayaa taas.

“Inta kale waqti ayay u baagan tahay, laakiin ugu yaraan intaan ayaan heysanaa, fariinta aan u dirayo ciyaartoyda ayaa ah inaan abuuri karno wax uun”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII