Mikel Arteta Oo Ka Nixiyey Jamaahiirta Arsenal, Una Sheegay In Aubameyang Oo Kaliya Aanu Ahayn Ciyaartoyda Kooxda Ka Tegi Kara

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Mikel Arteta ayaa qirtay in booska ay Arsenal kaga dhamaysato xili ciyaareedkan uu saamayn ku yeelan doono qorshihiisa suuqa.

Laba gool oo uu Pierre-Emerick Aubameyang u dhaliyey ayay Arsenal Sabtidii iskaga xaadirisay finalka FA Cup markeedii 21aad, waxaana uga horreysay Liverpool oo ay ku garaaceen Emirates saddex maalmood ka hor.

Halyeyga finalka geeyey Arsenal ayaa mustaqbalkiisu halis ku jiraa, waxaanan la ogeyn inuu sii joogi doono Gunners xili ciyaareedka soo socda iyadoo aanay wali labada dhinac isla meel dhigin haddii heshiis cusub ay ka wada hadlayaan, waxaana taas ka warwareegaya Aubameyang oo aan ku qanacsanayn halka ay kooxdu kaga jirto horyaalka Premier League.

Advertisements

Arsenal oo ku jirta kaalinta 10aad ee horyaalka, halka ugu sarraysa ee ay ku dhamaysan karto xili ciyaareedku waa kaalinta lixaad, laakiin labada kulan ee u hadhay dartood, maaha wax fudud, lamana sheegi karayo inay halkaas imanayaan oo ay tartanka Europa League ka qayb-geli doonaan fasal ciyaareedka dambe.

Laakiin tababare Mikel Arteta waxa uu qiray in aanu hubin in xili ciyaareedka dambe ay tegi doonaan Europa League, taas oo iyaduna saamayn ku leh mustaqbalka ciyaartoyda kooxda, waxaanu yidhi: “Marka aan hubanti la’aanta  ka hadlayo, miiska ayaanu fadhiisanaynaa, wayna iska caddahay in Aubameyang uu ka mid yahay.

“Waxa kale oo jirta inhalka aanu kaga dhamaysanayno xili ciyaareedka, in aanu tegi doono Europa ama in aanaan tegayn, ay dhamaan xaaladuhu saamayn ku yeelan doonaan suuqa iyo sida aanu horumar u samayn doono.”

Arteta waxa uu intaas kaddib ka hadlay mustaqbalka ciyaartoyda kooxdiisa, waxaanu qiray in Aubameyang, Ozil iyo Guendouzi uu mudgi ku jiro, laakiin xaaladda weeraryahanka reer Gabon ayuu tilmaamay inay ixtiraamayaan xaaladdiisa laakiin ay filayaan inuu qandaraas cusub u saxeexi doono.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII