Mikel Arteta oo ka hadlay dhaawaca soo gaaray Mid kamid ah Xidigaha kooxda

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa bixiyay warbixin ku saabsan dhaawaca Granit Xhaka ka dib guushii 3-1 ahayd ee Premier League ay ka gaareen Tottenham Hotspur.

Xhaka ayaa la dhibtoonayay dhaawac soo gaaray dhamaadkii ciyaarta, bedelkiisa ka hor, waxaa soo gaaray dhaawac lug ah oo walwal leh kadib markii Lucas Moura uu ku dhacay.

Waxa uu garoonka uga baxay dhaawacaas, Arteta ayaa hadda xaqiijiyay in uu aad u walwalsan yahay madama hadda u muuqan mid aad u wanaagsan.

Wuxuu u sheegay Arsenal.com : “Nasiib darro wuu dhaawacmay. Aad baan u walwalsanahay maxaa yeelay hadda uma muuqato mid aad u wanaagsan. ”

Gunners ayaa si fiican ula qabsatay maqnaanshaha Xhaka toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo labada xiddig ee da’da yar Albert Sambi Lokonga iyo Ainsley Maitland-Niles ay aad isku muujiyeen.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com