Mid kamid ah Xidigihii hore ee Arsenal oo ku geeriyooday Da’da 35 sano jirka

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal ahna daafaca kooxda Birmingham City Sam Oji ayaa geeriyooday isagoo 35 jir ah.

Oji, oo ay ilmaadeer yihiin fanaanada Lemar, ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Gunners sanadkii 2000 laakiin wuxuu u saxiixay Birmingham kadib markii uu ku guuldareystay inuu u gudbo kooxda koowaad.

Ugu dambayntii, Oji wuxuu kaaliye ku-xigeen ka ahaa kooxda aan horyaalka ahayn ee Highgate United, oo ka ciyaarta heerka sagaalaad ee kubadda cagta Ingiriiska. 

Naadiga ayaa sheegay in Oji uu aad u xanuunsanaa habeenimadii Jimcaha ka hor inta uusan xaqiijin geeridiisa habeenkii Sabtida.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here