Mid kamid ah Kooxaha ugu weyn Premier League oo dooneysa Luka Modric .

@Reuters

Manchester City ayaa isha ku heysa xaaladda qandaraaska xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric .

Wargayska El Nacional ayaa sheegaya in tababaraha City Pep Guardiola uu soo dhaweynayo inuu xiddigii hore ee Tottenham dib ugu soo celiyo England si uu ugu ciyaaro kooxda.

Modric ayaa heshiis kula jira dhamaadka xilli ciyaareedkan waxaana laga yaabaa inuu ku jirrabo fursad uu ugu ciyaaro Guardiola sanadaha ugu dambeeya xirfadiisa.

Hadda waa 36 sano jir, ​​City waxay qorshaynaysaa inay Modric siiso fursad uu ugu wareegi karo MLS New York City FC .

Modric ayaa soo jiitay kooxda DC United xagaagii hore.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com