Messi Oo Markii 6-aad Taariikhda Ku Guuleystay Abaal Marinta Kabta Dahabka, Rikoor Kale Taariikhi Ahna Wuu Dhigay

0

Messi ayaa markii 6-aad taariikhdiisa waxa uu ku guuleystay abaal marinta kabta dahabka ee gool dhaliyaha dhamaan tartamada yurub ee hal xilli ciyaareed

Messi ayaa abaal matintaas ka qaaday xiddiga Kylian Mbappe oo ay ku tartamayeen dhanka goolasha waxa uuna Messi ku qaaday 36 gool oo uu ka dhaliyay La Ligaha

Kylian Mbappe ayaa ku istaagay 33 gool ka dib markii kulankii ugu dambeeyay horyaalka France ee ay PSG la ciyaareen caawa ay guul dareysteen waxaana 3/1 uga badisay Reims xilli laacibka uu dhaliyay goolkaas .

Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee abaal marinta kabta dahabka ku guuleysta sedex xilli ciyaareed oo isku xiga .

Guud ahaan Messi ayaa dhaliyay xilli ciyaareedka soo dhamaadya 50 gool dhamaan tartamada ay ku jirtay Barcelona waxa uuna haystaa fursad uu ku sii kordhin karo marka habeenka sabtida finalka Cope Del Rey uu kaga hor tago kooxda Valencia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here