Messi Oo Magaca Tababaraha Uu Doonayo U Yeedhiyay Barcelona, Man United Oo Daafac Af-Duubanaysa & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Suuqa kala iibsiga ee kooxaha Yurub ayaan wali si rasmi ah u furmin isaga oo xilli ciyaareedkan u baaqday sababta xanuunka Korona Fayras oo saamayn weyn yeeshay isla markaana qasbay in tartamada horyaaladu ay socdaan ilaa bilihii suuqu lahaa ee June iyo July.

Suuqa horyaalka Premier League ayaa ah mid furmaya berrito oo 27-ka July ah iyadoo dhammaan 20-ka kooxood ee horyaalku ay bilaabi doonaan ka adeegashada suuqa iyo isku hubaynta xilli ciyaareedka dambe.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Advertisements

Chelsea ayaa kalsooni ku qabta in 21 sano jirka Bayer Leverkusen ee Kai Havertz uu saaxiibkiisa ree Germany ee Timo Werner kooxdeeda kula biirayo oo uu noqon doono saxeexoodii saddexaad ee muhiim ah xagaagan xataa haddii ay usoo bixi waayaan Champions League xilli ciyaareedka dambe. (Mail on Sunday)

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa u sheegay kooxdiisa in tababaraha Leeds United ee Marcelo Bielsa uu noqdo tababaraha jagada tababarenimo ee Barca kala wareega Quique Setien (Sun on Sunday)

Tottenham Hotspur ayaa hoggaaminaya saxeexa weeraryahanka Bournemouth ee Callum Wilson haddiiba ay kooxdaasi heerka labaad u dhacdo, 28 sano jirkaaas ayaa kaliya 10 Milyan oo Pound lagu helayaa. (Sun on Sunday)

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Napoli ee Cristiano Giuntoli ayaa shaaca ka qaaday inaan wax dalab ah laga soo gudbin daafaca dhexe ee Kalidou Koulibaly walow uu muran kordhayaa ka taagan yahay mustaqbalkiisa lalana xidhiidhinayo Man City, Man United, Liverpool iyo Barcelona. (Goal)

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa diyaar u ah inuu u dhaqaaqo xilli dambe saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Lile ee Gabriel Magalhaes oo 22 sano jir ah si uu uga af-duubto kooxda Napoli. (Sunday Express)

Khadka dhexe ee Leicester City ee James Maddison ayaa diiday dalab uga yimid Man United waxaana uu saxeexay heshiis cusub oo la aaminsan yahay inuu toddobaadkii £95,000 yahay. (Talksport)

Hubaanti la’aanta ka taagay mustaqbalka Paul Pogba ee Man United ayaa calaamad su’aal saartay heshiisyadii ay kooxdaasi ugu dhaqaaqaysay Jadon Sancho oo Borussia Dortmund ka tirsan iyo kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish. (Mail on Sunday)

Arsenal ayaa kaliya awoodi doonta inay lasoo saxeexato khadka dhexe ee Atletico Madrid ee Thomas Partey xagaagan haddii ay si dhammaystiran u bixiso 45-ka Milyan ee Pound ee heshiiskiisa lagu jabin karo. (Sunday Express)

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qishay inaysan kooxdiisu suuqa xagaagan wax badan ka samayn karin isaga oo sheegay inuusan haysashada ciyaartoy badan halis ku gelin doonin safka uu hadda haysto. (Sunday Mirror)

Manchester United ayaa isha ku haysa goolhayaha 109-ka Milyan ee Pound ku qiimaysan ee Atletico Madrid ee Jan Oblak si ay bedel ugaga dhigto David De Gea balse Chelsea ayaa sidoo kale doonaysa (Sun on Sunday)

Inter Milan ayaa qorshaynaysa inay Alexis Sanchez oo dhinaca Man United amaah kagala jooga ay si rasmi ah ula saxeexato xilli heshiiskiisa amaahda ahi uu horraanta bisha soo socota dhammaan doono(Sky Sports Italia via Sunday Mirror)

Arsenal, West Ham iyo Everton ayaa dhammantood xiisaynaya inay la saxeexdaan daafaca Barcelona ee Samuel Umtiti. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII