Meera Mitun”Mustaqbalkeyga Telugu waxaa bur-burisay Trisha Krishnaan” isqaraabeysiga koonfur xitaa waa ka jiraa!!

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Trisha Krishnaan waa mid kamid ah atiriishooyinka ugu caansan koonfurta India ilaa bilawgii qarnigaan ayee xidigtaan fanka hindiya kasoo muuqaneysay doorar kala duwa oo xiiso leh ayee sameysay intee howshan ku guda jirtay.

Dhanka kale Meera Mitun iyadana waa atiriisho caan ah balse sida Trisha oo kale awood umalahan waxaana maqaam sareyso Trisha balse labadan atiriisho colaad ayaa ka dhaxeyso mudo dheer waana arin soo socday iyo xifaaltan dhanka shaqada ah.

Meera ayaa muuqaal iska soo duubtay waxayna sheegtay in Trisha awood u sheegatay shaqadeeda Telugu-na u diiday waxay tiri Meera oo hadleysa,”maadama aan Trisha kaga fiicnaaday dhanka Fashion-ka iyo Style-ka waxay go’aansatay inee dhanka aflaamta iga soo weerarto.”

“Trisha waxay la heshiisay maafiyada iyo burcada ugu weyn Telugu kadibna muuqaaladeyda filimka Yennai Arindhal ayaa la faaf reebay oo wax badan laga jaray intaas kuma eka Trisha waxay si awood kudheehan iiga saartay Rajni Filimkiisa Petta marka Trisha waa qofta bur burisay shaqadeyda Telugu.”

Is qaraabeysiga iyo awood isku sheegashada meel walba wey ka jiraa markaana siraha iyo fadeexooyinka koonfur India ayaa banaanka imaanayaan waxaana u sabab ah Bollywoodka iyo kiiska Sushant oo India oodhan saameeyay.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII