Meel Ku Qoro: Wakhtiga Uu Eden Hazard Doonayo In Uu Dhamaystiro Ku Biiristiisa Real Madrid Oo La Ogaaday

0

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa haatanba qabsaday wakhtiga uu doonayo in uu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Eden Hazard ayaa doonaya in uu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Real Madrid todobaadka ugu horeeya ee bisha June sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Belguim ayuu hal sano uga hadhay heshiiskiisa kooxda Chelsea kooxda ayaana wajahaysa suurtagalnimada ay si xor ah ugu waayi karto adeegiisa xagaaga dambe.

Hazard ayaa doonaya in uu ku biiro Real Madrid halka uu Zinedine Zidane xiddiga 28 jirka ah ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad si uu ugu xoojiyo.

Si kasta ha ahaatee kooxaha chelsea iyo Real Madrid ayaan wali ka heshiin qiimaha Hazard xilli ay Madrid diyaar ula tahay 86 milyan oo euro oo ah lacag ka yar 110 milyan oo euro ee ay Chelsea dalbanayso.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Hazard doonayo in uu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Real Madrid sida ugu deg-dega badan isaga oo doonaya in uu xiddig Real Madrid ah noqdo 4 bisha June.

Wakhtigaas ayaa ah todobaad kadib finalka Europa League ee ay chelsea la ciyaari doonto kooxda Arsenal, xiddiga reer Belguim ayaa xulka qaranka Belguim ku biiri doona si uu uga qayb galo kulamada is reeb-reebka Euro 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here