Maxkamadda Sere ee Puntland oo saakay u fariisaneysa dhageysiga kiiskii Caa’sha Ilyaas.

Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa Sabtida Saakay lagu wadaa in la hor geeyo Seddax nin oo loo heyso dil iyo kufsi waqooyiga magaaladsa Gaalkacyo, loogu geystay Marxuum Caa’sha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sano jir ah.

Saddexda xukmane oo kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, ayaa hore Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal waxay 12-kii May ee sannadkan ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay Maxkamaddu sheegtay in lagu helay kiiska Caa’isha.

Sidoo kale Rafcaan ay ka qaateen xukunkaas kadib ayaa Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal waxay 30-kii June ee sannadkan mar kale ku xukuntay dil toogasho ah, kaas oo ay Rafcaan kale uga qaateen Maxkamadda sare ee Puntland, taas Sabtida saakay u fariisa doonta dhageysiga dacwadda loo heysto.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here