Maxkamadda Sare ee Puntland oo maanta markale dib u dhigtay Kiiska Caasho Ilyaas.

Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday in markale ay dib u dhigtay xukunka ragga loo haysto in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aaden oo ahayd gabar yar oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Maxkamadda ayaa maanta mar kale dhegaysatay dacwadaha ay kala qabaan labada dhinac gaar ahaan Qareenada difaacaya kuwa horey dambiga loogu helay qaarkoodna qirtay iyo Xeer Ilaalinta Maamulka Puntland.

22 bishan ayaa la filayaa in go’aankii Ugu dambayay ay ka qaadato maxkamada kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aaden.

Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday, iyadoona qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Kiiska gabadhaan yar ee kufsiga iyo dilka loo gaystay ayaa caro weyn ka dhaliyey magaalada Galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa meydkeeda laga helay magaalada Galkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here