Maxay tahay sababta Akshay Kumar uu magaciisii asalka ahaa isaga baddalay?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Waxaa jira Atoorayaal badan iyo atariishooyin dhowr ah kuwaasoo magacyadoodii asalka ah iska baddelay, waxaana ay u sababeeyeen ujeeddooyin kala duwan.

Magaciisii asalka ahaa waxaa la oran jiray Rajiv Hari Om Bhatia, waxaana uu markii dambe u baddelay magaca loo yaqaano hadda ee ah Akshay Kumar.

Super Star Akki ayaa sharraxay sababtii uu magaca Akshay Kumar ula baxay, waxaana uu ku tilmaamay inuu aad ugu riyaaqay doorkii Kumar Gaurav ee “Akshay” ee uu ku matalay fililmkii Mahesh Bhatt uu Director-ka ka ahaa ee Aaj.

Madaalaha Bollywood-ka oo arrintaas sharraxaya wuxuu yiri: “Waxaan daawanay kaliya Gaurav iyo jiliinkiisa, ma aqaan waxa dhacay, balse waxaan arkay anigoo maalin tagay maxkamadda, magaceygana baddelay.”

Rajiv hadda waxaa loo yaqaanaa Akshay Kumar, waana magac uu ku caan baxay, waxaase laga yaabaa aqristow inaadan hore u maqal sheekadan.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII