Maxay Man United Ka Tiri Codsiga Inter Milan Ee Ah Inuu Alexis Sanchez U Ciyaaro Tartanka Europa League?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Manchester United ayaa lagu waramayaa inay u sheegtay Inter Milan inaysan kordhin doonin heshiiska amaahda ee Alexis Sanchez, taasoo la micno ah inuusan u dheeli doonin kooxda Talyaaniga tartanka Europa League islamarkaana fursad u heli doonin inuu ka horyimaado finalka kooxdiisa Red Devils.

Xiddiga reer Chile ayaa bilaabaya inuu dib u helo qaab ciyareedkiisa fiican tan iyo markii uu xilli ciyaareedka Serie A dib u bilowday, inkastoo heshiiskiisa amaahda uu dhacayo bilowga bisha Agoosto ka hor inta uusan dib u bilaabanin tartanka Europa League.

United ayaa durbaba kordhisay heshiiska amaahda ee Sanchez iyagoo u ogolaaday inuu dhameysto xilli ciyaareedka Serie A iyadoo kulanka ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka ay la ciyaarayaan Atalanta maalinta Axada ee 2da bisha Agoosto.

Advertisements

Labo maalmood ka dib marka uu soo dhamaado horyaalka Serie A, Inter Milan waxay lugta labaad ee wareega 16ka Europa League la ciyaari doonaan Getafe iyadoo kooxda kooxda Talyaaniga ay la xiriirtay United si ay u ogolaadaan inay mar labaad kordhiyaan heshiiska amaahda ee Sanchez.

Si kastaba, joornaaliistaha Sky Sport Italia ee Gianluca Di Marzio ayaa sheegaya in United ay soo diiday codsigaas, mana dooneyso inay xoojiso Inter Milan kuwaasoo ay suurtogal tahay inay isku arkaan finalka Europa League.

Madaama sharciga UEFA uu baneynayo in ciyaartoyda amaahda ku maqan ay ka horimaan karaan kooxda iska leh, Inter ayaa xitaa soo jeedisay inay lacag ganaax ah siin doono Man United haddii ay qasab noqoto in Sanchez uu ka horyimaado Man United.

Laakiin United ayaa ku adkeysatay go’aankeeda, iyadoo sida kaliya ay Inter ku ceshan karto Sanchez ay tahay inay si joogta ah kula wareegto.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII