Maxay Aheyd Fariintii Dani Alves Ka Qoray Sergio Ramos Ka Dib Dhacdadii Raul Garcia Ee Xalay?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Halyeeyga kooxda Barcelona Dani Alves ayaa iska celin waayay inuu qeyb ka noqdo dooda ka dhalataya kulankii shalay ee horyaalka La Liga ee u dhaxeeyay kooxaha Real Madrid iyo Athletic Bilbao.

Real Madrid ayaa 1-0 ku badisay kulankii ka dhacay garoonka San Mames ka dib rigoore uu saxiixay Sergio Ramos.

Laakiin Athletic Bilbao ayaa laga diiday rigoore ka dib markii kabtanka Los Blancos Sergio Ramos uu ku istaagay Raul Garcia xerada ganaaxa dhexdeeda.

VAR ayaa eegtay dhacdadaas islamarkaana go’aamisay inaysan rigoore aheyn, taasoo muran weyn ka dhalisay gudaha dalka Spain iyo guud ahaan taageerayaasha horyaalka.

Dani Alves oo ka ciyaaraya haatan dalkiisa Brazil ayaa dooda ka qeyb qaatay, isagoo ku soo wadaagay qoraal iyo sawir muujinaya qaladkii uu Ramos ku galay Raul Garcia.

Alves ayaa sheegay in hadda ka hor loo sheegay inay sameeyaan wax ka badan awoodooda si ay uga sarre maraan Real Madrid islamarkaana ay taasi muuqato haatan.

“Maalin waxay ina bareen inay qasab tahay inaan sameyno wax ka badan wixii aan sameyneynay ama haddii kale ma gaari karno hamigeena, sidaasi ayayna aheyd” ayuu daaficii hore ee Barcelona ku soo qoray .

Ramos ayaa shaqsi ahaantiisa qirtay inuu si kama ah ugu istaagay Raul Garcia, halka madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu uu ku eedeeyay VAR inay u hiilineyso Los Blancos

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII