Maxaad ka taqaan saddexda musharax ee Muuse Suudi kursiga ku haysta maanta?

Dorashada Aqalka Sare ee maamul goboleedka HirShabeelle ayaa u muuqata inay ka loollan adag tahay dhammaan doorashooyinka la mid ah ee Federaalka, maadaama ay usoo baxeen musharraxiintii ugu badnaa, kuwaasoo shalay khudbadahooda jeedinayay.

Madaxweynaha HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhawaan soo dhammeystiray liiska musharraxiinta, halka doorashadana la filayo inay dhacdo maanta oo Talaado ah.

Muusa Suudi wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta tartanka adag u galaya kuraasta Aqalka Sare, oo baarlamaanka hadda jiro uu ku soo metelayay HirShabeelle, waxaase kursiga ku haysta saddex musharax oo adag. Haddaba waa kuwan Muuse Suudi iyo musharaxiinta kursiga ku haysta.

Muusa Suudi Yalaxow

1- Khudbaddii uu shalay ka hor jeediyay xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaas ayuu kusoo gaabiyay; “Wax aan soo qabtay ma aqaanno, ,a ii ,iisaanna, sanduuqa dhalada ah ayaan ka arki doonaa, wax aan qaban doonana ma ogi, wixi Alle igu aaddiyo ayay noqon doonaan. Haddii aan xiulka u qalmo iigu celiya, haddii aad i dhibsateenna iga reeba.”

Ilaa afar siyaasi ayaa u xusul duubaya inay meesha ka saaraan Yalaxoow, oo afartii sano ee lasoo dhaafay Hirshabeelle ku malatayay Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, Dr Xasan Cadaay Cali iyo Axmed Xasan Cadoow ayaa ka mid ah, waxaana ay shalay jeediyeen khudbadaha ay xildhibaannada baarlamaanka hoose ee Hirshabeelle uga dalbanayaan inay codadkooda siiyaan.

Haddaba maxaan ka garaneynaa musharraxiinta loollanka culus galinaya Muuse Suudi Yalaxoow?

2- Cabdullaahi Sheekh Xasan

Sida uu isaga qudhiisaba shalay ka sheegay khudbaddii uu ka jeedinayay munaasabadda hadal jeedinta, waxa uu ku dhashay Hirshabeelle balse uu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho.

Waxbarashadiisa waxa ay gaarsiisan tahay ilaa heerka labaad ee Jaamacadda, oo uu ku bartay cilmiga Maamulka Ganacsiga.

“Waxaan 1990-meeyadii macallin kasoo ahaa dugsiyada maxalliga ah. Waxaan ka mid ahaa aasaaseyaashii dalladaha waxbarashada ee gobolka Banaadir, gaar ahaanna waxaa guddoomiye u ahaa hay’ad la dhaho al-Kheyriya oo weli shaqeysa,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Markii uu u wareegay dhinaca siyaasadda waxa uu ka qayb galay shirkii Carte ee ka dhacay dalka Jabuuti, kaasoo ugu dambeyntii lagu dhisay dowlad ku meel gaar ah.

Kaddib waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb galay shirkii Kenya loogu qabtay Soomaaliya oo lagu soo dhisay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Khudbaddii uu shalay Jowhar ka jeediyay ayuu Cabdullaahi Sheekh ku sheegay inuu mar ka mid ahaan jiray guddi loo xil saaray inay kasoo shaqeeyaan sidii Soomaaliya hubka looga dhigi lahaa.

“Markii uu dagaalka dhex maray dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo qolyihii maxkamadaha, waxaan ka tagay waddanka, waxaana dibad joog ku noqday dalka Britain muddo afar sano ah,” ayuu yiri.

Soomaaliya waxa uu dib ugu soo laabtay sanadkii 2011-kii, halkii ayuuna kasii waday dhaqdhaqaaqyada siyaasadda.

Inta uusan usoo istaagin xilka kursiga Aqalka Sare, jagadii ugu dambeysay ee uu soo qabtay waxay ahayd inuu noqday Wasiirka Dastuurka.

3- Axmed Casan Cadoow (Daaci)

Axmed Daaci waxaa aad loogu yaqaannaa inuu soo noqday guddoomiyihii Degmada Wadajir, xilligii ay jirtay dowladdii madaxweyne Shariif Sheekh Xasan.

Dhowr sano uu uu ka mid ahaa saraakiisha maamulka Gobolka Banaadir waxa uu qayb ka ahaa dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab ee kasoo horjeedda dowladda Soomaaliya.

Hase ahaatee, markii dambe isaga iyo dowladda Federaalka ayaa isku maan dhaafay howlgal hub ka dhigis ah oo la damacsanaa in lagu sameeyo siyaasigan.

Sanadkii 2014-kii ayaa mar la dhigay xabsiga, inkastoo lasii daayay muddo kaddib.

Bartamihii bishii August ee sanadkii 2014-kii ayay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM weerar ku qaadeen guriga Axmed Daaci, halkaasoo uu dagaal ku dhex maray iyaga iyo ciidamo daacad u ah siyaasigan horay u ahaan jiray guddoomiyaha degmada Wadajir.

Wareysi uu xilligaas siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in hubka uu haystay inuu isku difaaco.

Khudbaddii uu jeediyay xildhibaannada baarlamaanka HirShabeelle kama uusan sheegin wax ku saabsan taariikhdiisa, siyaasad iyo waxbarasho toona.

Isha: BBC SOMALI


Source: warkii.com