Maxaa Looga Hadlay Kulankii Dhex Maray Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaajo oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa kulamo kala duwan la qaatay saacadihii la soo dhaafay masuuliyiin kala duwan oo ka qeybgashay shirka-aad ee golaha guud ee QM.

Kulankii uu la qaatay madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass ayaa waxaa looga hadlay arrimaha maaliyadda ee dalka isaga oo ka xog wareystay sida ay Somalia uga go’antahay in la hagaajiyo arrimaha maaliyadda dalka.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle aya bartiisa Facebook ku daabacay in isaga iyo madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ay la kulmeen madaxweynaha Bangiga Adduunka.

“Waxaa sharaf ii ah anigoo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee #UNGA in aan kulamo gaar-gaar ah la qaadanay Madaxda Bangiga Aduunka iyo IMF”

Madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass ayaa si gaar ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo u siiyay warbixin ku saabsan qaabka uu Bangigu ula dhacsanyahay hanaanka Maaliyadeed ee Dalkeena.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Agaasimaha guud ee IMF ee hada xilka ka sii dagaya David Lipton oo aan inbadan soo wada shaqeynay iyo Kristalina Georgiev oo iyaduna ah Agaasimaha cusub ee dhawaan shaqada la wareegi doonta, sidoo kalena waxay si wanaagsan noola shaqeysay intii ay joogtay Bangiga Adduunka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here