Maxaa kaloo haray oo aan haddana ku daynaa si loo helo qarannimo? (Faallo)

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Qaranjabkii 1969 iyo Kacaankii xigay kadib waxaan galnay marxalad qaaba qowseen ah oo xaalku barakamaleh gaaray.

Waxaan soo marnay tijaabooyin kala duwan oo mid kasta ay ahayd bal mid un halagu gaaro, iyadoo aan si kooban u dul istaagayo sahankii dib u yagleelidda dowladnimo iyo mid kasta wixii lagu soo moodey oo kaar ahaan loo xogtay.

DOWLADDII CALI MAHDI

21 sano oo Milatari uu dalka haystay jahwareerkii ka dhashay iyo Jabhadihii hubaysnaa ee xukunka rabay waxaa suuqa u galay koox ganacsato ah oo dhaqaalaha ka taageeri jirey, si gaar ah jabhaddii USC, raggii siyaasadda iyo dagaalka u qaabilsanaa waxaa afgambiyay ganacsatadii oo Madaxweyne ku cumaamaday Cali Mahdi Maxamed.

Waxaa lays tusay in xukunka laga ilaaliyo ragga ciidanka maadaama ciidan un xukunka laga eryey oo xanuunkii laga qaadey lasii dareemayay, waana tan keentey in muddo kooban dowladdaas ay ku burburto dagaalkii Cali iyo Caydiidna uu qarxo, ayna cadaatay isku daygii ganacsatada in lagu fashilmay oo loo baahdey jiha kale bal in hadana lagu dayo haddii dowladnimadu hagaagayso.

DOWLADDII CABDIQAASIM SALAAD

Muddo markii la kala taagnaa oo diif iyo dagaal sokeeye Xamar lagu burburiyay, 10 sano ku dhawaadna la jahwareerey waxaa markale lagu noqdey Jabuuti sanadkii 2000, bal si la isugu dayo in xal la gaaro.

Waxaa la abuuray xaalad la yiraahdo Inta aan qabqablayaasha ahayn bal hala tijaabiyo, iyadoo shirkana jaanis looga diidey taladiisa raggii qoryaha waaweynaa haystay ee Soomaaliya wada joogay haba ugu sii badnaadaane Magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu doortay Cabdiqaasim oo dowladdii uu Xamar keeney xitaa Villadii loo diidey, jiha kastana ay ka jilaafeeyeen qabqablayaashii oo isku arkayey in laga tagay oo iyaguna ay fashiliyaan, waana sababta keentey in adduunku yaabo oo shir kale oo ku tijaabiya la yiraa lagu qabtay Kenya weliba dowladdii oo Xamar fadhisa oo aan laga tala galin.

DOWLADDII COL CABDULLAAHI YUUSUF

Markii ay cadaatay awoodda qabqablayaasha inay horseedey in dowladnimadii Cabdiqaasim ay ka socon weysey caalamka ayaa yiri war bal aan shirkale qabanno oo hogaamiye kooxeedyada aan xukunka ku tijaabinno waa intaas oo ay shaqeysaaye.

Shir muddo socdey oo Kenya loogu qabtay hogaamiye kooxeedyada iyo dowladdii Cabdiqaasim oo markaas la tusinayey inay saamileyda culus kujirin ayaa hadana waxaa la yiri bal haloo yeero si shirku muuno u yeesho.

Waxaase meesha laga karkariyay oo suuqa la galiyay in hogaamiya kooxeedyadii jirey laga cumaamado ninka ugu khabiirsanaa xagga dagaalka waa intaasoo lagu guuleysto dowladnimo raadinta lagu daalay ee sahanka loogu jiro.

Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa noqdey ninki ugu kabiirsanaa raggii hubka isugu faanayay ee shirka joogay oo guulaystay, iyadiina laguma guulaysan oo soo galitaankii Itoobiya wuxuu abuurey jawi Maxaakiim iyo ururo kacdoon oo diimeysan, kuwaasoo dowladdii oo Jowhar iyo Baydhaba heehaabeysa Xamar haysay dagaal adagna la galay dowladda.

DOWLADDII SHEEKH SHARIIF

Haddana markale ayaa la garwaaqsadey in hogaamiye kooxeedyo xalkii laga raadinayay aan weli lagu gaarin dowladnimo dhab ah, sidaa darteed baa reer galbeedkii oo ka welwelsan islaamiyiinta Soomaaliya iyo kooxaha jihaad doonka ee kusii shubmaya Soomaaliya go’aansadeen in turubka markale la baandheeyo oo wadaadada bal lagu dayo iyadoo laga faa’iideysanayo kuwooda aan xagjirka ahayn.

Shirar iyo waan waan kadib galbeedku waxay ku guulaysteen laba inay u kala qaybiyeen wadaadadii maxaakiimta iyo isbahaysiga, shir dib u heshiisiinna loogu qabto Jabuuti iyaga iyo dowladdii markaas jirtay.

Waxaa la karkariyay mudadaas bal in Wadaadadii xukunka lagu tijaabiyo, waana shaqeysey fikraddaas oo barlamaankii jirey oo ka koobnaa 275 ayaa loogu daray 275 kale taasoo ka dhigaysay 50/50 in loo kala qaatay golihii shacabka, tilmaan toosanna ka bixinaysay in xukunka uu aadey dhinaca wadaadada.

Waxay cod aqlabiyad ah ku doorteen hogaamiyihii maxaakiimta islaamiga ah Sheekh Shariif Sh Axmed, oo dowladdiisu ay bedeshey dowladdii Kenya lagu dhisay ee hogaamiye kooxeedyadu ay atooraha ka ahaayeen maadaama ay maxaakiimtu ka taqaluseen qabqablayaal muddo loo afduubna waxaa lagu abaalmariyay xukunka dalka.

Wadaadadii dhexdooda ayay ka tafatay oo koox falaaga ah ayaa ka dhex baxdey oo xagjiriin isqarinaya ahaa, dagaal ayayna la galeen ilaa laga adkaado shabaabkii oo dowladdu ay ku guulaysatay in Xamar laga saaro, laakiin hadana sahankii sidii la rabay isagoon noqon ayaa doorasho la gaaray.

DOWLADDII XASAN SHEEKH

Sh Shariif dowladdiisii markii xilligeedu soo dhawaadey ayaa dib la isku fiiriyey oo hadana la is weydiiyay war maxaa haray oo kaar ahaan loo isticmaalaa?

Durbadiiba waxaa suuqa la galiyay Soomaaliya wax kasta waa lagu dayay waana istaagi la’dahay ee waxaa haray hogaamiye ka yimaada bulshada rayidka iyo NGOyada, iyadoo jidkaas lasii salaxay sidii caadada ahayd uu ku liibaanay Xasan Sheekh Maxamuud oo loo cumaamaday in Soomaaliya uu Madaxweyne aan KMG aheyn ka noqdey tan iyo 1991.

Waxay madaxa is galisaba ma muuqan in laga gudbay wixii larabay in lagu moodo dowladdaas oo ahayd in la helo dowlad adag oo Soomaaliya oo dhan gacanta ku dhigta, sidaas ayuuna waqtigii ku dhamaadey oo xilli doorasho la aadey.

DOWLADDA MAXAMED FARMAAJO

Markii dib loogu laabtay kaararkii hore oo badi la isticmaalay ayaa waxaa lasoo heley kaarka WADANIYADDA oo markaas aan weli la isticmaalin.

Durbadiiba suuqa waxaa la geliyey dalkaan ilma adeer uma baahna kursiga iska bedesha ee waxaan soo helney hogaamiye ka shaqeynaya danta Dalka, Dadka iyo Diinta oo Wadani ah, waxaana bilaabmay gurbaanka Wadani iyo xamaasad kicin badan.

Maxamed Farmaajo ayaa ahaa ninka ugu dhow ee reer Muqdisho kaarkaas loo marin karay, waana tan uu isticmaalay markii uu xitaa olalaha kujirey.

Rag badanoo aan kujiro waxay goob joog u ahaayeen Ina Farmaajo oo Ra’iisul Wasaare raadinayo, iyadoo suuqana ay ugu jirtey ninka kaliya ee kaarka Wadaniyadda xogan kara inuu yahay, balse laftiisu uusan kalsoonidaas qabin ilaa aakhirkii uu xaqiiqsadey.

Waana natiijadii 8 Feb 2017 oo noqotay in Farmaajo uu fursaddii loo salaxay ee Wadani uu ka faa’iideysto, xamaasad iyo banaanbaxyana ay guushiisii hareeyeen.

Laakiin weli Soomaaliya baadigoobkii dowladnimo hanaqaada lama helin oo sahan kale ayaa lagu jiraa, markaanse sahanku jahwareer ayuu galay oo jihada loo socdo GPS ayaa anteenada lumiyay.

MAXAA KALOO HARAY OO KAAR AHAAN LOO ISTICMAALI KARAA?

Haddii aan usoo marqaati ahayn Madaxweynayaal tartamay inaysan kursi ku guuleysan, ayna guuleystaan un kuwa aan xilkaas horey usoo arag, aan usoo joognay 60 sano oo HAWIYE IYO DAAROOD ay kuraasta kala qaadanayeen, sow idiinma muuqato kaarka kaliya ee qolyihii wax cumaamadi jirey, suuqana gali jirey u haray inuu yahay midka DIR IYO DIGIL/MIRIFLE.

Waxaan maqlaynaa maalmahan Madaxweyne Somaliland kasoo jeeda iyo Ra’iisul Wasaare Koonfur Galbeed kasoo jeeda kaarka ah haddii la xogo wuxuu khatim fiican u noqon karaa 60 sano oo HAWIYE IYO DAAROOD kaliya labadaas jago ay Soomaaliya iyaga kaliya laga kireynayay.

Mohamed Yuusuf – Waxaad kala xiriiri kartaa www.facebook.com/Hon.Mohamed.Yusuf

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan warkii.com. warkii.com, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII