Maxaa Ka Cusub Kismaayo & Ciidamadii Lagu Daadiyey Magaaladaasi?

Xaalada ayaa waxay tahay maanta oo khamiis ah mid caadi kusoo laabatay kadib 18 Saac oo Magaalada ay gil gishay Xasarad ka dhalatay is rasaseyn shalay Duhurkii dhacday.

Tacshiiradaas waxaa ay dhexmartay ciidamo katirsan Kuwa Amaanka Jubbaland iyo Maleeshiyo Daacad u ah C/naasir Seeraar Maax.

Hadaba wararkii ugu dambeeyey ee aan helayno waxay sheegayaan in Xalay ilaa Saaka barqadii la arkayey Ciidamo katirsan Jubbaland oo dhufeysyadii shalay galeen ku jira.

Hase ahaatee markii Duhurnimadii la gaaray ayaa dhamaan ciidamada xeryahooda lagu celiyey waxaana caadi kusoo laabtay Xaalada Kismaayo.Dad lagu kalsoon yahay waxay sheegeen inay isku howleen daminta xiisadaas Odayaal dhaqameed Deegaanka ah,iyagoo C/naasir Seeraar iyo Axmed Madoobe siyaabo kala duwan Odayaasha kula shireen.

Dhaawacyo ayaa jira oo Askarta Labada dhinac kasoo gaartay Iska horimaadkii shalay balse Tiro lama oga.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here