Itoobiya ayaa weli waxey ku jirtaa xaalad dagaal oo culus, waxaana mar kale gantaallo culus lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahirdar, sida ay warbaahinta gobolkaas shaaca ka qaadeen.

Waxey noqoneysaa markii labaad oo gantaallo lagu garaaco Bahirdar tan iyo markii ay aad u xoogeysteen dagaallada ka socda gobolka Tigraay.

Warbaahinta waxey sidoo kale warisay in gantaalladii lagu tuuray Bahirdar aysan wax khasaare ah geysan, waxaana la leeyahay waxaa soo tuuray dagaalyahanada TPLF inkasta oo warkaas aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin.

Dagaalka wuu xoogeystay, eedo ayaa hawada la isku marinayaa, inkastoo ay dowladda mar dambe beenisay hadana TPLF waxey ka dhawaajiyeen iney ciidamada dowlada Itoobiya ay gobolka Tigraay ku beegsanayaan dadka rayidka ah.

TPLF waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay duqeyneyso goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee dhaca caasimadda Mekelle balse dowladda ayaa beenisay eedeymahaas.

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka TPLF ay xaqiijiyeen in gantaallo ay ku garaaceen Eritrea.

Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Tigray inay gaaraan heshiis xabad joojin ah oo kumeel gaar ah kaddib dagaalka labada toddobaad halkaas ka socda.

Ha’yadda waxay dooneysa in la gaaro shacabka ku dhex go’doonsan dagaallada si gargaar loogu fidiyo.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaallada ka socda Tigray halka in ka badan 30,000 qof ay u qaxeen dhinaca Suudaan.

Qaramada Midoobey waxay ka cabsi qabtaa in xaaladda ay faraha ka baxdo, dagaalkana uu ku baaho deegaanada dhaca xadka..

Ma kala cadda ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka maadama ay go’antahay isgaarsiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here