Maxaa Dhici Doona Haddii Finalka FA Cup Uu Barbaro Ku Dhamaado? 30 Daqiiqo Miyaa Lagu Darayaa Mise Rigoore Ayaa Toos Loo Aadayaa?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Finalka FA Cup ayaa la ciyaarayaa maanta iyadoo Arsenal iyo Chelsea ay ku dagaalamayaan – laakiin waxaa dhici doona haddii ciyaarta ay barbaro ku dhamaato? Miyaa 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu dari doonaa mise rigoore ayaa toos loo aadayaa?

Koobka ugu da’da weyn kubada cagta caalamka ayaa gaaray finalka kale iyadoo Arsenal iyo Chelsea ay tartamayaan koobka. Finalka FA Cup waxaa lagu ciyaari doonaa garoonka Wembley oo faaruqa ah saacada Afrikada Bari marka ay tahay 7:30pm.

Chelsea ayaa ku dhameysatay iyadoo afar boos iyo 10 dhibcood ka sareysa Premier League xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Laakiin tababare Mikel Arteta ayaa sheegay inaysan taasi saameyn ku yeelan doonin kooxdiisa kulanka maanta.

Wuxuu xusay in miiska kala sareynta Premier League uusan muujineynin horumarka ay Arsenal sameysay kulamadii ugu danbeysay isagoo xusay inay kaliya diirada saarayaan maanta inay hantaan koobka.

Arteta ayaa yiri: “Muhiimadeena kaliya waa sidii aan koobkaan ugu guuleysan laheydn, wax ma ahan halka ka bilaabeyno. Qaab ciyaareed aad u fiican ayay ku jiraan laakiin waan u dagaalami doonaa koobka”

Maxaa dhici doona haddii finalka FA Cup uu barbaro ku dhamaado?

Haddii Arsenal iyo Chelsea ay barbaro ku kala baxaan 90ka daqiiqo ee ciyaarta, waxaa markaas la ciyaari doonaa 30 daqiiqo oo dheeri ah.

Haddii markaas finalka uu barbaro sii ahaado ka dib 30ka daqiiqo ee dheeriga ah, waxaa lagu kala bixi doonaa rigoore.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII