Masuuliyad daro wayn ayaa kamuuqata hoggaaminta MW Farmaajo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Farmaajo waxaa kamuuqata masuuliyad daro weyn inuu muujiyay inta uu socday shirka wadatashiga dhuusamareeb .

Mudadii uu xilka haayay Madaxweyne Farmaajo wuxuu si joogto umuujin jiray in dhiiga shacabka soomaaliyeed ee daadanayo uu yahay mid raqiis aan qiimo laheyn, kama tacsiyeeyo mashaakiladka qabsada rayidka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka fikiraa sida canshuurta laga qaado G/banaadir loosii lookordhin lahaa isla markaasna loola barbar dhigi lahaa warkii.comha caalamka sida looga qaado canshuuraha marnaba masuuliyad iskama saaro inuu curyaaminta ka qaado ganacsatada & bulshada rayidka dhibaatooyinka joogtada uu ku haayo maamulkiisa.

Madaxweyne Farmaajo markasto uu khudbadeenayo wuxuu isticmaala erayo aad u wanagsan oo wadaniyad leh balse marka uu xafiiskiisa fadhiya amarada kasoo baxo waa mid qabyaladeeysan ama ka buuxo naceyb .

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ugurmaday Qardho markii daadad roobab ka dhashay uu ka dhacay si dag dag ah, balse markii fatahaado ka dhaceen Baladwayn madaxweynaha wuu gacan bidixeeyay si simana masuuliyadaas uma gudan.

Masuuliyad dara kamuuqata hogaaminta Madaxweyne Farmaajo waa mid saameen kuyeelatay guud ahaan shacabka soomaaliyeed waxaana laga walwal qabaa in dartiis markale dalka uu ugu dhaco dagaal sokeeye.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Masuuliyad daro wayn ayaa kamuuqata hoggaaminta MW Farmaajo appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII