Mason Mount Oo Isku Qasbi Doona Inuu Daawado Dabaaldega Liverpool Marka Lagu Wareejiyo Koobka Premier League Habeen Danbe

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Mason Mount ayaa qirtay inay muhiim u tahay inuu daawado Liverpool oo kor u qaadeysa koobka premier League, xitaa haddii ay dhaawaceyso inuu arko koox kale oo horyaalka ku guuleysaneysa.

Chelsea ay si weyn dib uga dhacday tartanka horyaalka xilli ciyareedka, iyadoo Liverpool ay ku jirto isku diyaarintii ugu danbeysay ee in habeen danbe koobka lagu gudoonsiiyo Anfield.

Liverpool ayaa kor u qaadi doonta koobka ka dib kulankooda Chelsea, iyadoo Mount uu shaaca ka qaaday inuu naftiisa ku qasbi doono inuu daawado dabaaldega Reds.

Advertisements

“Waxaan ahay guuleyste sidaasi darteed ma jecli inaan daawado dad kale oo guuleysanaya” ayuu yiri.

“Waa ay adag tahay in la daawado qof kale oo guuleysanaya. Waa guuleystaan u qalma koobka.

“Marka aan daawano guushooda waxay ina siin doontaa dhiirogelin dheeri ah si aan u badiuno oo aan xaqiijino booskeeda afarta sarre.

“Koox u qabsatay horyaalka sida ay iyaga u qabsadeen xilli ciyaareedkan, waxay ina siin doontaa dhiirogelin ah inaan iyaga oo kale noqono xilli ciyaareedka danbe.

“Waxaan la ciyaarnay iyaga seddex jeer xilli ciyaareedkan, mar walba waan u sii dhawaaneynay, waxaana aheyn kuwa la tartama.

“Marka aad daawato guushooda waxay ku siineysaa dhiirogelin dheeri ah.”

Liverpool ayaa dooneysa inay garaacdo Chelsea ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay Arsenal iyo Manchester City tan iyo markii ay xaqiijisteen hanashada horyaalka.

Anfield ayaa faaruq noqon doona marka Reds lagu wareejiyo horyaalkoodii ugu horeysay ee muddo 30 sannadood ah, laakiin halyeeyga kooxda Kenny Dalglish ayaa koobka ku wareejin doona ciyaartoyda.

Chelsea ayaa dhanka kale u baahan inay dhibco ka hesho Liverpool madaama tartanka afarta sarre uu kulul yahay.

Blues waxay dhibic ka sareeyaan Leicester City oo hal kulan sii hor ciyaartay iyo Manchester United.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII