Masar iyo Giriigga oo isu kaashanaya Qorshaha ka dhanka ah Turkiga ee Liibiya.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Dalka Masar Cadifitaax Al-Siisi ayaa gudoomay wicitaan telefoon oo kaga yimid Ra’iisul Wasaaraha dalka Giriigga Kyriakos Mitsotakis, kuna saabsanaa xaaladda Waqooyiga Afrika.

Madaxda labadaan Dowladood ee shukaado siyaasadeedka noqonaya waxa ay xulufeysi kula jiraan Dowladda Turkiga, waana tan keentay in ay isku faraq-xirtaan hoggaanka sare ee Masar iyo Giriigga.

Qorshaha ugu weyn ee lagu saldhigayo isgaashaan-buureysigooda ayaa ah in ay mas’uuliyad iska saarayaan ilaalinta iyo nabadgalyada biyaha caalamiga, si khatar horleh caalamka uga imaan xeebaha dalka Liibiya.

Masar waxaa loo meelmariyay in ay gudaha u gali karaan ciidda Liibiya oo ay xad wadaag yihiin, kadib markii qaraarkaas u codeeyay Xildhibaanno la safan Gen. Khaliif Xaftar oo ah sarkaal damac ka qaba in uu talada Liibiya la wareego.

Waxaase kasii horeeyay safar aan horay loosii ogeyn balse markii dambe laga war helay oo Xaftar ku tagay Magaalada Qaahira Xarunta Masar, kadibna la kulmay Madaxweyne Cabdifitaax Al-Siisi.

Dagaalka Turkiga iyo Giriigga ee Bariga Mediterranean ayay usoo weecinayaan Waqooyiga Qaaradda Afrika, halka ku kulmi karaan Waa Liibiya, iyada oo labada dhinac u kala egeynayaan Dowladda caalamka aqoonsan yahay ee dalkaas oo garabsaneysa Turkiga, halka Jananka gadoodka wada oo taageero weydiistay Masar oo kaashaneysa Giriigga dhanka kale yihiin.

Madaxweyne Al-Siisii iyo Ra’iisul Wasaare Mitsotakis labaduba ma dafirin xiriirka dhexmaray, ka hadalkooda xaaladda Liibiya, Badbaadinta Doomaha ganacsiga, dalxiiska iyo kuwa maraya biyaha caalamiga ah.

Qaramada Midoobay ayaa dooneysa in colaadda Liibiya aysan isku badalin mid isku badasha dagaal u dhaxeeya Dowlado israadsanaya, waxa ay doorbideysaa in dib loosoo celiyo wada hadalkii nabad raadinta dhinacyada Liibiya isku haya ee Berlin lagu martigeliyay marar kala duwan.

Liibiya miyay ka badbaadi doontaa isu buro tumashada Quwadaha dagaalka ka dhaxeeya ee isku raadsanaya gudaha dalkaas?

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Masar iyo Giriigga oo isu kaashanaya Qorshaha ka dhanka ah Turkiga ee Liibiya. appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII