Markuu Xasan Sheekh Maanta Hadalka Dhameeyey Maxaa Dhacay?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Gudoomiyaha Xisbiga UPD Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si qoto dheer uga hadlay doorkooda siyaasadeed ee Shirka Dhuuso mareeb iyo Madasha waxay ka aaminsan tahay.

Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in ajandaha Shirka Dhuuso mareeb ay ka filayaan mid wax Soomaali udan ah inay kasoo baxaan.

Wuxuu dhaliilay Dawlada Dhexe iyo hanaanka doorasho ay dooneyso inay mar kale dib udhigto sida la filayey Doorasho lawada ogol yahay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabad weyn tahay khatarna ka digayaan tahay dib udhaca Doorashada Soomaaliya,oo Baarlamaanka muhiim aheyd,waqtigeedii la ogaan weli.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegtay in Doorasho wakhtigeeda ku dhacda rabaan islamarkaana,uu sheegay in ay Dawlada ugu naseexeenayaan udhego nuglaanshiyaha Siyaasiyiinta Saamiga Dalka leh soo jeedinayaan.

Markii uu hadalka dhameeyey Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sheekh Shariif waxa uu diiday in Su’aalo la weydiiyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII