Markab Kenya Agab Ciidan Usiday Oo Ku Xirtay Dekada Kismaayo

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay quus ka taagantahay gaadiidka qaada Ciidamada ee ay horay uga iibsatay dalka China.

Gaadiidkaas oo loo yaqaan APC, ayaa waxaa adeegsada Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Soomaalida waxaana loogu sheegay in aysan Karin Miinooyinka iyo qoriga RPG-ga oo ay inta badan adeegsadaan AL-shabaab.

Hayeeshee waxaa su’aalaha hay’adaha amaanka Kenya ka qabaan Gaadiidkaas kordheen todobaadkii hore markii 10 ka mid ah Ciidanka Kenya lagu dilay weerar ka dhacay agagaarka Ceel waaq.

Ciidamadaas ayaa adeegsanayay Gaariga aanay Miinada iyo qoriga RPG-ga Karin ee APC, laakiin Gaariga ayaa kala firdhay waxaana halkaas ku dhintay 10 Askari halka 20 kale ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Booliska Kenya Charles Owin oo shir jaraa’id kaga hadlayay arrintan ayaa sheegay in ay ka niyad jabeen Gaadiidka ay dowladda Kenya ka iibsatay China ee loogu talagalay in loo adeegsado dagaalka iyo goobaha colaadaha.

Dhinaca Kale waxaa Dhawaan Markab ku xirtay Dekada Kismaayo uu siday Gaadiid Cusub oo loo geeyey Ciidanka Kenya ee Sektarkaasi ka howlgala.

Ciidanka Kenya ayaa loo qeybiyey Baabuur Gaashaaman oo nuucoodu midabka Cadeyska yahay,waxaana Boqol gaadiidkaasi ka mid ah Markabka uu geeyey Gaadiidkii hore ay isticmaali jireena daabulay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here