Markab ciidan iyo diyaarado dagaal oo loo soo diray biyaha Soomaaliya

Dowladda Koofurta Kuuriya ayaa ku dhawaaqday in ay Markab Ciidan iyo diyaarado dagaal wada u soo direyso biyaha SOomaaliya.

Waxaa ay dowladda Kuuriya sheegtay in ciidankaas ay qeyb ka noqonayaan la dagaallanka burcad badeedda biyaha Soomaaliya ka jirta.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in Markabkaasi uu qeyb ka yahay ciidamada Gacanka Hurmuz ee uu isku dubbaridayo Mareykanka si ay uga hortagaan dowladda Iraan.

Markabka ayaa waxaa uu xalay ka soo baxay Magaalada Busan ee koofurta Dalka Kuuriya waxaana lagu wadaa in uu biyaha Soomaaliya soo gaaro talaadada maanta ah sida ay sheegtay dowladda Koofurta Kuuriya.

Markabka oo lagu magacaabo Kang Gam Chan, waxaa uu culeyskiisu dhanyahay 4,400 oo tan,waxaana uu wadaa noocyada kala duwan ee ciidanka Badda Koofurta Kuuriya sida kuwa quusa, kuwa biyaha ka dhex dagaallama, kabtannada iyo qeybaha kale ee Ciidanka Badda Dowladda Koofurta Kuuriya.

Waxaa uu biyaha SOomaaliya joogayaa muddo lix bilood ah oo ka billaabaneysa Bisha September ee sanadkan.

Ciidamada Badda ee Koofurta Kuuriya ayaa ka mid ah isbaheysiga Caalamiga ah ee la dagaallanka Burcad badeedda Soomaalida waxaana ay ka mid tahay Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Biyaha Soomaaliya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here