Mark Lawrenson Oo Saadaaliyey Kulamada Toddobaadkan ee Premier League, Chelsea Vs Man City iyo Man United Vs Aston Villa

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa galay toddobaadkii lixaad, waxaana ballansan kulamo adag oo xaasaasi ah, xilli dhamaadka usbuucana la ciyaarayo tartanka Champions League.

Arsenal iyo Tottenham ayaa Axadda kulmi doona markoodii 204aad, waana kulan dib usoo xasuusinaya taageereyaasha waqtiyadii ay fiicnaayeen ee xafiiltanka adag ee derisnimo ka  dhexeeyey.

Tottenham oo toddobaadkii horena la ciyaartay Chelsea oo 3-0 kaga badisay ayaa waxay u tegi doonaa Arsenal oo saddex guul-darro iyo laba guulood ka keentay shantii kulan ee horyaalka, waxaana tababare Nuno Espirito Santo ka go’aan inuu dib usoo celiyo guulihii uu xilli ciyaareedka ku bilaabay.

Isku-dhaca ugu adag usbuucan waa kulanka Duhurnimada Sabtida ay ku ballansan yihiin Chelsea iyo Manchester City, kaas oo mar kale lagu qiimayn doona labada tababare ee Pep Guardiola iyo Thomas Tuchel.

Saddex jeer oo hore oo ay kulmeen labadan tababare oo labadan kooxood kala hoggaaminaya, waxa guuleystay Tuchel oo haddana Stamford Bridge doonaya inuu ku bahdilo Pep, hase yeeshee tababaraha reer Spain ayaa isaguna u socda aargoosi iyo inuu kaalmaha sare kasoo tuuro Blues.

Manchester United oo Arbacadii laga reebay tartanka Carabao Cup ayaa qaabbili doonta Aston Villa, halka Liverpool ay u tegayso Brentford.

Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo kulamadan saadaaliyey ayaa waxa uu natiijooyin aan midkoodna farxad gelinayn, kana nixinayn ugu bushaareeyey Chelsea iyo Manchester City, kuwaas oo uu u sheegay in ciyaar goolal la iska dhalinayo ay barbarro ku geli doonaan.

Manchester United ayaa iyaduna kusoo laaban doonta jidka guusha kaddib niiyad-jabkii Carabao Cup ee West Ham United, waxaanay laba gool oo jawaab la’aan ah u dhiibi doontaa Aston Villa, xilli Ronaldo uu sii wadan karo tirada goolashiisa.

Mark Lawrenson waxa kale oo uu barbarro u saadaaliyey Arsenal iyo Tottenham hase yeeshee Liverpool oo ahayd kooxdii uu u ciyaari jiray xilligii uu garoomada ku jiray, ayuu Lawro u sheegay inay hoggaanka si toos ah ugu fadhiisan doonto oo ay ka tuuri doonto Chelsea marka ay barbarraha la gasho Man City.

Saadaasha Mark Lawrenson ee kulamada 6aad ee Premier League

Sabti

Chelsea 1-1 Manchester City

Manchester United 2-0 Aston Villa

Everton 2-0 Norwich City

Leeds United 2-1 West Ham United

Leicester City 2-1 Burnley

Watford 1-1 Newcastle United

Brenftford 0-2 Liverpool

Axad

Southampton 2-1 Wolves

Arsenal 1-1 Tottenham

Isniin

Crystal Palace 1-1 Brighton

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com