Mareykanka oo war aan la fileyn kasoo saarey duqeyn Al-Shabaab lagula eegtay Soomaaliya

Taliska milatariga Mareykanka ee qaaradda Afrika [Africom] ayaa wuxuu si adag u beeniyey in dhowaan duqeymo dhanka cirka ah uu Mareykanka ka fuliyey gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya

Duqeyntan oo 25-kii, iyo 26-kii bishan August oo ka dhacay gobolladaasi ayaa waxaa lala beegsaday saldhigyo iyo dagaalameyaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo khasaaro kala duwan uu soogaarey.

“Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu ka geysanno Soomaaliya, iyo meelaha kaleba, waxaan ku baahinnaa Website-keenna iyo barteenna Twitter-ka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay AFRICOM.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ku leh goobo kala duwan saldhigyo qarsoodi ah.

Inta badan duqeymaha ka dhaca gobolada hoostaga maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa qaada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka iyo waliba diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Kenya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here