Manchester United Oo RIKOODH Cusub U Dhigtay Premier League Iskuna Qortay Buuga Taariikhda

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Manchester United ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay taariikhda Premier League ee ku badisa ugu yaraan seddex gool afar isku oo isku xigta iyagoo caawa 3-0 ku karbaashay kooxda Aston Villa.

Shayaadiinta Cas Cas oo ceyrsanaya u soo bixitaanka Champions League ayaa ogaa inay isku qori doonaa buuga taariikhda Premier League haddii ay seddex gool ama ka badan ku badiyaan caawan.

Afartii kulan ee ugu danbeysay ee Man United ay ciyaarta Premier League:

🆚

🆚

Aston Villa 0-3

✅

🆚

🆚

Bournemouth 5-2

✅

🆚

🆚

Brighton 0-3

✅

🆚

🆚

Sheffield 3-0

✅

Bruno Fernandes ayaa furay goolasha ka dib rigoore uu dhaliyay iyadoo rigoorada ay aheyd mid muran badan dhalisay.

Mason Greenwood ayaa ka dib u labeeyay Manchester United dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta isagoo darbo awood leh ka soo qaaday meel 20 mitir u jirta shabaqa.

Waxay taasi u ogolaatay kooxda Manchester United inay walwal la’aan ciyaaraan qeybtii labaad iyadoo Paul Pogba oo wacdarro dhigay kulankaan uu goolka seddexaad dhaliyay.

Waxa uu maamulayay khadka dhexe ee ciyaarta isagoo ahaa isku xiraha weerarka iyo ciyaartoyda khadka dhexe.

Waxay weli u dagaalamayaan inay ka mid noqdaan afarta sarre iyagoo aan haatan laga badinin 17 kulan.

Manchester United waxay haatan ku jirtaa kaalinta 5aad iyagoo hal dhibic kaliya ka danbeeya kooxda kaalinta afaraad ee Leicester City, waxayna labo dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta 3aad ee Chelsea.

Manchester United ayaa sidoo kale ah kooxdii ugu horeysay ee koox garaacda maalin walba oo isbuuca ka mid ah horyalka Premier League, kulankii caawa Khamiis ah ayaa ka dhigan in Man United ay sidoo kale soo badisay kulamada Premier League ee ay soo ciyaareen maalmaha todobaadka.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII