Manchester United Oo Karbaashtay Aston Villa, Greenwood Oo Taariikhda Galay Iyo Wacdarihii Fernandes & Pogba

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Manchester United ayaa ku dhowaatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, kaddib markii ay ku tumatay Aston Villa oo ay ku garaacday 3-0.

Guushan oo Manchester United ay ku hoggaamiyeen Bruno Fernandes, Mason Greenwood iyo Paul Pogba ayey dhibic kaliya ugu jirsatay kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Leicester City, halka ay Chelsea oo saddexaad fadhidana laba dhibcood ka hoosayso.

Manchester United ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqaddii 27aad oo qalad lagu galay Bruno Fernandes uu isla isagu gool u beddelay, waxaana daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore gool qurux badan ugu labeeyey Mason Greenwood.

Qaybta labaad ayay Manchester United ku bilowday gool uu dhaliyey Marcus Rashford, laakiin waxa diiday garsooraha ciyaarta maadaama uu offside ku jiray Paul Pogba oo kubadda u qariyey goolhaye Pepe Reina, laakiin xiddiga reer France ayaa inyar kaddib goolka soo celiyey, waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka toogtay bannaanka xerada ganaaxa.

Shaxdii labada kooxood

MAN UNITED XI (4-2-3-1): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire (c), Luke Shaw; Paul Pogba, Nemanja Matic; Mason Greenwood, Bruno Fernandes, Marcus Rashford; Anthony Martial.

Kaydka: Fred, Andreas Pereira, Scott McTominay, Brandon Williams, Eric Bailly, Daniel James, Sergio Romero, Odion Ighalo, Juan Mata.

ASTON VILLA XI (4-4-1-1): Pepe Reina; Ezri Konsa, Kortney Hause, Tyrone Mings, Neil Taylor; Anwar El Ghazi, Douglas Luiz, John McGinn, Trezeguet; Jack Grealish (c); Mbwana Samatta.

Kaydka: Frederic Guilbert, Keinan Davis, Orjan Nyland, Conor Hourihane, Jota, Marvelous Nakamba, Indiana Vassilev, Henri Lansbury, Ahmed Elmohamady.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kusoo bilaabay shaxdii uu saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ku ciyaaray, iyadoo uu ka badbaaday in isbeddel qasab ah uu ku sameeyo khadka difaaca oo laga shaki qabay in Lindelof ka maqnaado, waxaana markiiba ay xiddigaha Red Devils isla heleen kubbado farsamadoodu sarrayso oo ay khadka dhexe ka daadihinayeen Paul Pogba, Bruno Fernandes iyo Nemanja Matic, taas oo marka ay gaadho Rashford, Greenwood iyo Martial ay si xarrago leh ugula dhaqaaqayeen dhinaca goolka Aston Villa ee uu waariyaha ka ahaa Pepe Reina.

Aston Villa ayaa samaysay fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta, waxaana kubbad ay kasoo xoogsadeen Pogba oo badhtamaha garoonka joogay, waxaana bannaanka xerada ganaaxa goolka ka toogtay Trezeguet, taas oo iyadoo aanu De Gea taaban kusoo dhacday birta.

Daqiiqaddii xigtay ayay Manchester United jawaab ka bixisay halista la geliyey, waxaanay soo ciyaareen kubbad ay isku-dhiibeen oo ay si fudud dhinaca midig uga soo geliyeen xerada ganaaxa, taas oo dhawr taabasho kaddib uu laynka dushiisa ka helay Bruno Fernandes oo farsamooyinkii Zinedine Zidane u isticmaalay inuu kubadda iskugu kala wareejiyo Konsa oo xerada ganaaxa dhexdeeda lugaha uga qaaday. Garoore Jonathan Moss ayaa qabtay rikoodhe, waxaana go’aankiisa ku waafaqay VAR oo laga soo hubiyey.

GOOOOAAAALLLL!!! VILLA 0-1 UNITED!! Bruno Fernandes ayaa rikoodhaha u sarrifay gool, waxaanu dhinaca qaldan u diray goolhaye Reina, iyadoo uu sidaas hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Manchester United ayaa xili ciyaareedkan loo dhigay 13 rikoodhe oo horyaalka Premier League ah, waxaanay noqotay kooxda rikoodheyaashii ugu badnaa abid Premier League ka heshay xili ciyaareed gudihii, waxayna soo qabatay Leicester City iyo Crystal Palace oo xili ciyaareedyadii 2015-16 iyo 2004-05 min 13 helay, laakiin Red Devils ayaa dhaafi karta rikoodhkan haddii ay kulamada hadhay rikoodhe kale hesho.

Daqiiqaddii 38aad ayay Manchester United ku doodday in rikoodhe la siiyo, markaas oo Rashford uu kubbad kala soo galay dhinaca uu joogay Mings, hase yeeshee Luiz ayaa u muuqday inuu qabtay, laakiin garsooraha ayaa ku adkaystay in aanu qalad dhicin.

United ayaa ku dhowaatay inay goolka labaad dhashato ciyaarta oo ay afar daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana kubadda isku dhiibay Shaw iyo Martial oo isaguna kusoo karoosay kubbad xerada ganaaxa oo u dhow. Fernandes ayaa madax ku qabtay, laakiin way ka dallacantay.

GOOOOAAAALLL!!! VILLA 0-2 UNITED!! Mason Greenwood ayaa kubbad uu ka toogtay masaafo 20 yard ah waxa uu ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka yahay Reina oo gaadhi kari waayay. Ka hor kubadda waxa isku soo dhiibay Martial iyo Ferrnandes oo usii gudbiyey Greenwood. Goolkan ayaa dhashay daqiiqaddii 2aad ee dheeraadka ah ee lagu daray qaybta hore.

Mason Greenwood oo 18 jir ah ayaa rikoodh ku dhigay goolkiisan, waxaanu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee saddex ciyaarood oo xidhiidh ah oo Premier League ka tirsan goolal dhaliya, waxaanu kula biiray taariikhda Danny Cadamarteri (1997), Michael Owen (1997 & 1998) iyo Francis Jeffers (1998) oo iyagoo 18 jirro ah dhaliyey goolal saddex kulan oo xidhiidh ah.

Qaybta labaad ayay Manchester United halkeeda kasii wadday wacdaraha ay dhigaysay, waxaana fursado badan heshay Red Devils.

GOOOAAALLLL!! NOOOO!!!!! Rashford ayaa kubbad kasoo leexiyey dhinaca bidix isaga oo si toos ah u toogtay goolka, waxaanay kasoo baxday goolhaye Reina laakiin waxa Pogba ayaa ku jira offside isla markaana u qariyey goolhayaha, halka la tuhmay inay kubadduna sii taabatay.

GOOOOAAAALLLL!!! VILLA 0-3 UNITED!! Daqiiqad kaddib goolka la diiday ayuu Paul Pogba kubbad uu ka toogtay masaafo 20 yard ah dhex dhigay goolka Aston Villa iyadoo aanu Reina is-dhaqaajin. Fernandes ayaa kubaddan uga soo dhiibay dhinaca midig.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Manchester United oo yeelatay 58 dhibcood, waxaana dhibic ka horreysa Leicester oo 59 dhibcodoo leh kuna jirta afraad iyo Chelsea oo 60 dhibcood ku fadhida kaalinta saddexaad.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII