Manchester United Oo Daqiiqaddii Ugu Dambaysay Murugo Ku Habsatay, Southampton Oo Gool Dhimasho Ah Ka Dhalisay Iyo Red Devils Oo 5aad Fadhiisatay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Manchester United ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta qalbi jab la kulantay, waxaana barbarro 2-2 ah ku qabatay Southampton oo kusoo booqatay Old Trafford.

Manchester United oo fursad u haysatay inay soo gasho kaalinta saddexaad ee horyaalka ayaa gool lagala hormaray, waxaana daqiiqaddii 12aad ka dhaliyey Danny Ings oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Paul Pogba, laakiin waxa toban daqiiqadood gudahood ugu jawaabay Marcus Rashford iyo Anthony Martial oo laba gool oo saddex daqiiqadood u dhexeeyeen dhaliyey.

Daqiiqaddii 96aad ee waqtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta ayaa Manchester United oo guul isku qortay ay musiibadu usoo hoyatay, waxaana goolka murugada ku noqday ka dhaliyey Michael Obafemi oo ciyaarta soo galay daqiiqaddii 87aad.

Shaxdii labada kooxood

SOUTHAMPTON (4-4-2): Alex McCarthy; Ryan Bertrand, Jan Bednarek, Jack Stephens, Kyle Walker-Peters; Nathan Redmond, Oriol Romeu, James Ward-Prowse, Stuart Armstrong; Che Adams, Danny Ings.

Kaydka: William Smallbone, Shane Long, Pierre-Emile Hojbjerg, Jake Vokins, Angus Gunn, Will Ferry, Michael Obafemi, Jannik Vestergaard, Kevin Danso.

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David de Gea; Luke Shaw, Harry Maguire, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka; Nemanja Matic, Paul Pogba; Marcus Rashford, Bruno Fernandes, Mason Greenwood; Anthony Martial.

Kaydka: Brandon Williams, Eric Bailly, Scott McTominay, Daniel James, Sergio Romero, Juan Mata, Odion Ighalo, Andreas Pereira, Fred.

Solskjaer ayaa kulankii afraad oo xidhiidh soo magacaabay shax isku mid ah, waxaana ay ciyaartani xasuus gaar ah u lahayd David de Gea oo ay u ahayd kulankii 400aad ee uu Manchester United u ciyaaro. Sidaas oo kale, Ralph Hasenhuettl ayaa isaguna lasoo shir tegay shaxdii uu barbarraha kula soo galay Everton.

Manchester United oo aan laga badin 17kii ciyaarood ee ugud ambeeyey ayaa degganaan ciyaarta ku bilaabantay, waxaana u muuqatay laba arrimood oo muhiim ah oo ay midda hore tahay inay kaalinta saddexaad ee horyaalka si buuxda ugu fadhiistaan inta ay dhibcaha ka qaataan Southampton iyo midda labaad oo ahayd inay barbarreeyaan rikoodhkii Sir Alex Ferguson ee kulamada ugu badan ee aan laga adkaanin oo ahaa 18 ciyaarood oo uu sannadkii 2013 dhigay.

Southampton ayaa daqiiqaddii 12aad hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana qalad uu sameeyey Paul Pogba ka faa’iidaystay Armstrong oo kubadda usoo dhiibay Danny Ings oo isaguna si fudud goolka ugu dhirbaaxay.

Manchester United ayaa dardar ka qaadday goolka laga dhaliyey, waxaanay shan daqiiqadood kaddib dhashatay gool uu saxeexay Marcus Rashfrod laakiin garsooraha ayaa afuufay siidhiga iyadoo la go’aamiyey inuu offside jiray ka hor intii aanu goolku dhalan.

GOOOAAALLLL!! Manchester United 1-1 Southampton – Rashford ayaa dhaliyey goolka barbarraha u dhaliyey Manchester United, kaddib markii uu meel cidlo ah ka helay kubbad uu Martial difaaca dhexdooda ka xoogsaday, taas oo uu niyadda ugu soo celiyey naadigiisa.

GOOOAAALLLL!! Manchester United 2-1 Southampton – Saddex daqiiqadood kaddib goolka Rashford ayaa uu Anthony Martial si qurux badan u dhaliyey kubbad uu kasoo shaqeeyey Paul Pogba oo usii dhiibay Bruno Fernandes oo taabashada ugu dambaysa ee ka horreysay Martial yeeshay, caawintana isku qoray.

Anthony Martial ayuu goolkani u noqday midkii 50aad ee uu ka dhaliyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Manchester United ayaa u dabbaal-degtay ciyaarta ay saddexda daqiiqadood labada gool ku dhashatay, waxaanay intaas kaddib bilaabeen inay si farshaxannimo leh iskugu dhiibaan kubadda, degganaan iyo xarragona ku daraan iyagoo kubbado is-daba joog ah ku ekaynayay goolka kooxda kasoo horjeedday. Laakiin Southampton ayaa iyaduna ay ka go’nayd inay ugu yaraan dhibic ka hesho ciyaarta oo ay barbarraha soo ceshato.

Qaybta hore ayaa ku dhamaatay 2-1 ay guusha la nasatay Manchester United.

15 daqiiqadood oo ay ciyaartoydu nasasho ku jireen, tababareyaashooduna taatikooyinkooda hore ku kabayeen isbeddel iyo tilmaamo cusub oo ay ka heleen qaybtii hore, waxa lagu soo laabtay garoonka, laakiin Ralph Hasenhuettl ayuu walaac ku abuurnaa maadaama ay kaadhka digniinta ah ka qabeen dhawr saddex ciyaartoy.

Ole Gunnar Solskjaer iyo Ralph Hasenhuettl ayaa iskugu jawaabay laba beddel oo ay laba daqiiqadood oo isku xiga sameeyeen, waxaana ku horreeyey macallinka Manchester United oo saaray Paul Pogba, waxaanu keenay Fred oo kulmadii ugu dambeeyey kaydka fadhiyey, nasasho badanna ka muuqatay, halka oo tababaraha Southampton ba uu weerarka firfircoonaysiiyey oo uu soo geliyey weeraryahanka Shane Long isaga oo beddelay Che Adams oo ahaa laacibkii u dhaliyey goolkii ay toddobaad ka hor kaga adkaadeen Manchester City.

Daqiiqaddii 79aad: Alla miyey hoos u yara noqoto – Anthony Martial ayaa kubad kasoo qaatay qaybta Man United ee garoonka, waxaanu orod kula soo jiidhay ciyaartoyda Southampton, hase yeeshee markii uu soo gaadhay laynka dushiisa ayuu go’aansaday inuu goolka toogto isagoo soo qalloocinaya kubadda, laakiin waxyar ayay ka kacday.

Daqiiqaddii 80aad: Southampton ayaa jawaab degdeg ah ka bixisay weerarka lagu soo qaaday, waxaana kubaddii uu goolhayahoodu soo bilaabay ay si fudud dhinaca bidix uga geliyeen xerada ganaaxa ee Man City, waxaana taabashadii ugu dambaysay madax ku qabtay Redmond, hase yeeshee goolhaye David de Gea.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo dhamaadkii culays weyn lasoo saaray ayaa go’aansaday inuu beddelo Bruno Fernandes oo 17 jeer booskiisa lumiyey, kubbadahana khasaariyey, waxaanu kasii liitay Paul Pogba oo isagana loo beddelay markii uu 16 jeer kubadda lumiyey.

HALIS: Daqiiqaddii 85aad: Redmond  ayaa halis weyn geliyey goolka Manchester United, waxaanu kubadda kala soo galay garabka bidix, isaga oo kubbad awood badan oo masaafo dhow uu la laagay uu ku liishaamay goolka uu waardiyaha ka ahaa David de Gea. Goolhayaha reer Spain ayaa dirqi iskaga saaray kubadda.

GOOOOAAAAALLLL Manchester United 2-2 Southampton – Obafemi oo beddel kusoo galay ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka dhiman yihiin ayaa Southampton u dhaliyey goolka barbarraha waqtigii dhimashada, waxaanu ciyaarta oo maraysa daqiiqaddii 96aad ee waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray uu isku tuuray kubbad koorne ahayd oo lasoo laagay, halkaana waxa ka bilaabmay dabbaal-degga Southampton.

Manchester United ayaa ku negaatay kaalinteedii shanaad iyadoo leh 59 dhibcood oo ay ka midaysan yihiin Leicester City, hase yeeshee Foxes ayaa kaga horreysa farqiga goolasha.

Chelsea oo niyadjab ku dhacay Sabtidii ayaa booskeedii saddexaad fadhida.

Laacib.net

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII